WAJAALE NEWS

Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha!Qaybtii-12-Aad.

Gar dad-ban:   Gartan dadkuma’moodo, inay tahay garnaqsi guddinimo lagu kala xarago qaadanayo ama aanugaraw ku jirin (Garaw lahayn), ayey si fudud u galaan markhaatigeeda iyo dhexnimadeeda,  waxa jirta Murtitidhaahda “Qosolna hiil leh”, taasoo la yidhaahdo miyaanay hiil iyo eexiba ku jirin haddii laba nin gole ka wada khudbadayso oo midkood loo mashxarado ama loo sacabeeyo, isla markaana si fiican loo dhegaysto, nin kakalena la dhegaysan waayo hadalkiisii oo hadal kale la dhexgeliyo.
Gar-shareeco: Garta shareecadu waxay leedahay Millad (Dhaar) iyo Markhaati, isla markaana waxa u dhaqan ah”Carrab eegato”, taas oo macneheedu yahay inay guddiga gar-qaadaysaaay ku kala xukunto wixii ay afka ka yidhaahdaan dhinacyada dacwaddu ka dhexaysoama markhaatiyadu yidhaahdaan.

Laakiin garta caynkaas ah waxa uu xukunkeedu yahay inaanay dadka waxba u qaybin eeninkii gartu u dhacdo oo qudha wax siisa.

Gar-xisdi: Gartani waxay ka mid tahay garaha xeer-beegti, waxayna inta badan martaa inta ay marto garta shareeco.

Gar-booli: Waxa dhacda inay laba qof ama ninisku qaybsadaan wax aanu midkoodna lahayn, sida lacag iyaga oo wada socda aymeel cidla ah ka heleen, ka dibna uu labada nin midna hor arkay, midna hor qaaday,lacagtaasina waa booli aanu labada nin ee isku haysta midna lahayn, laakiin marka laga gar-qaado labada nin mid-baa booligaa yeelanaya oo aanu xayiigle (Xaqlihii ay lacagtu ka luntay) mooyaane aanay cid kale ka kaxayn karin.

maahmaahbaa tidhaada, “Gari laba nin kama wada qosliso, sidaa darteed garta booli xeerkeedu waxa weeye “Booli waxa leh ninka gacanta ku hordhigay”

Dhinaca kale ee suugaanta gabayada, heesaha ee ku aroora garaha, waxa ka mid ahaasida,”  “Gole miiggan geed sheeggan iyo garrangar muumaysan, gud-ban iyo shir laba geesa iyo guurti kala soorta, gartalaba mudaacaley hadloo dhaabad ba’an geysta, maahmaahyo wada guuna iyo gabayo raacraacay, shan godoo murtidu leedahay iyo gororka suugaanta, geda hadalka loohoga-geshiyo marrin gobaadeedka,” Hadraawi.

“Guddi murrantay waayeel garramay xaajo lagu guulay, ay guud cadaadiyo feeniyeen odaya loo qaatay, nin waliba gankiisiyo markuu giijo madaxiisa,  gaagaabsayaa iyo badheedh geesi hadal-yaaba,  go’aankii la wada raaci jiray gocanayaa mooyi,” Cali Jaamac Haabiil.
“Guddi murantay goolaaftankaan laga gungaadhayne, haddaad gedagedays aragto waa gob iyo caadkeede, guntu hadalka waa kala baqdaa geesi xoola lehe”, Gaagaale.

Marka aynu ka nimaadno dhinaca dhaqankatixaha iyo tiraabta ay lahaayeen, haddana waxa aad u layaab badnaa dadkaasi inaanay u kala socdaali jirin markabka gudihiisa, haddii dayuxu uu yahaytirsigiisu bil-saddex ama bishu ay ku dhamaaneyso maalin arbacaad ama maalinkuuu yahay maalin axadeed,   balse, waxataasi ka sii layaab badneyd, weedhan dhameyska tiran ee “Shimbirka aan duulinmaalinta Jimcaha”, taasoo, aan aad ulla dhacay, ka dib, markii aan ogaaday inloogu magac daray,  Wargeysyada wararka madaxa-banaan ee maalinlaha ah ee uu soo saari jiray markabkaasi, oo aanhaba-yaraatee soo bixi jirin maalinka Jimcaha. 

Markabkaas waxa uu lahaa himillo fog oo ayudub dhexaad u ahayd hiigsigii lagu gaadhi lahaa horumarka rajada nolosha iyoin uu yeelan doono qaybo ka mid ah markabka guddihiisu illeyska qoraxdamaalintii, kaasoo, dadka maqaarka jidhkooduna uu ka helli doono caafimaadwanaagsan, isla markaana, ay helli doonaan hooy nadiif ah, noocyada cuntooyinka badda ee kala duwan  iyo  farsamooyin casriya oo leh muuqaalo kaladuwan oo aan marnaba la illaawi doonin muuqaaladooda quruxda badan ee ku jiridoona daaqadaha markabka  badda aandhamaadka lahayn.

Guud ahaan tirada shaqaalaha Markabkaasi waxa lagu qiyaasaa in ka badan 14,000  oo shaqaale ah, kuwaasoo, aan haysan daryeelwanaagsan, wax-barasho, dhiiri-galin, caddaalad iyo mushahar aan ku filneynnolol maalmeedkooda, waxa kale oo aad arkeysaa shaqaale isku mid ahoo  darajadooduna ay ahayd  “A” , oo haddana,  midna Bishii mushaharka uu qaataa ay ahayd…………La soco……………

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti

Exit mobile version