|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Oo Martiqaad Hadhimo-Sharafeed Ah Ufidiyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jsl Iyo Dareenada Ku Xeeran!!
December 12, 2018 - Written by Editor:Hargeysa(W.N)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadhimo-sharafeed u samayn doona xildhibaanada golaha wakiilada, Sabtida haddii Alle idmo. Guddoomiyaha Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa shalay fadhigii golaha wakiiladaoo saxaafadda banaanka looga saaray, wuxuu xildhibaanada u sheegay in Madaxweyne Biixi uu Sabtida hadhimo u sameeyay xildhibaanada. Guddoomiyuhu mabixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Qadadan iyo inay jirto ujeedo siyaasadeed oo ka dambaysa qadada uu madaxweynuhu ku casuumay xildhibaanada. Laakiin xildhibaanada ayaa aaminsan in Madaxweyne Biixi uu kala hadli doono Arrimo siyaasadeed oo laga yaabo inay ugu horayso muddo kordhinta la doonayo in loo sameeyo Golaha Wakiilada markii shannaad maadaama oo ay doorashadii dib udhacday. Waxa suurtogal ah in Madaxweynuhu xildhibaanada ka codsado inay la qaataan in muddo kooban oo bilo ah loo kordhiyo golaha si aanay doorashada wakiiladu u dhaafinsannadka 2019. XIGASHO GEESKA. Related posts:Dhagayso Barnaamijkii Xiisaha Badnaa Ee Fanka Iyo Suugaanta Oo Todobaadkan Aydin Ku Maqli Doontaan W... Mukhtar Robow oo Baydhabo Kaga Dhawaaqay in uu Yahay Musharax Madaxweyne+Diido Lagala Hor Yimid Inuu... “Dadka Wax Takfiiriya (Dadka Gaalaysiiya) Way lumeen, Ciddii kale ku Deyataana Way Sii Lumaysaa.” Sh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|