Madaxwaynaha Dalka Eritrea Isaias Afwerki Oo Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Dalka Eritrea Isaias Afwerki Oo Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay
December 13, 2018 - Written by Wariye:

Hargeisa(WJN):-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in booqashada Isaias Afwerki ay ka dambeysay casuumaad uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse dad badan waxay is weydiinayaan waxa booqashadiisa ku soo beegay xilli uu Farmaajo la tacaalayo Mooshin isaga ka dhan ah.

Qoraal aroornimadii hore ee saaka la soo dhigay barta ay madaxtooyada Soomaaliya ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay ka arrinsan doonaan sii xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Eritrea iyo waxyaabo kale oo ay dan ugu wada jirto.

Farmaajo iyo Afwerki oo uu wehlinayay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan waxaa ay sameysteen isbahaysi ay ku mideysanyihiin, kaasoo sida ay sheegeen ay diiradda ku saari doonaan danaha saddexda waddan.

Saddexda hoggaamiye ayaa magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea ku kulmay horraantii bishii Siteembar, halka bishii Nofeembar ee la soo dhaafayna ay isku arkeen magaalada Gondar ee dalka Itoobiya, iyagoo kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo dhowr ah.

Booqashada labada maalin ee Afwerki uu ku joogi doona magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid aan horay loo sii shaacinin, inkastoo dhowr bilood ka hor uu madaxweyne farmaajo ka codsaday dhiggiisa Eritrea inuu ugu soo martiyo magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Socdaalkiisa ayaa ku soo aaday maalmo ka dib markii Baarlamaanka federaalka Soomaaliya loo gudbiyay Mooshin ay saxiixeen xildhibaano aan la garaneyn tiradooda oo dalbanayay in xilka laga qaado madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaannada Mooshinkaas soo diyaariyay ayaa ku doodayay in madaxweynaha uu sameeyay khiyaano qaran isla markaana ay doonayaan inuu xilkiisa waayo, hase ahaatee waxa uu mooshinkaas abuuray dood culus iyo khilaaf soo kala dhex galay guddoonka baarlamaanka.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye Akadir Habbane

COMMENTS
LINKS