|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Maxamed Xaashi Cilmi.
November 20, 2023 - Written by Editor:Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas Qaran oo xabaalaha Baqiic ee duleedka caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Maxamed Xaashi Cilmi oo kamid ahaa haldoorka qiimaha badan ee bulshada reer Somaliland.
Aaska Qaran ee loo sameeyey marxuumka waxa madaxweynaha kala qayb-galay madax kala duwan oo ay kamid yihiin guddoomiyaha golaha wakiillada, xildhibaanno, wasiirro, siyaasiyiin, mujaahidiin, saraakiil ka socota dawlad-deegaanka Soomaalida, madax-dhaqameed, haldoor iyo qaybaha kale ee bulshada reer Somaliland, waxana marxuumka salaadda jinaasada lagaga tukaday duleedka qubuuraha Baqiic lagu Aasay. Qaar kamid ah mujaahidiintii ay soo wada halgameen marxuumka oo ay kamid yihiin Mujaahid Ibraahim Xuseen Dhego-weyne, Prof. Cabdisalaan Yaasiin iyo Mujaahid Xasan Jaamac Cali (Dayax) oo halkaas ka hadlay, ayaa ka hadlay kaalintii uu marxuumku ku lahaa Aas aaskii ururkii SNM iyo dib u xorayntii dalka, waxana ay ku sifeeyey halgamaa ku suntan wanaag iyo dal jacayl. Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan-ganey) iyo suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, ayaa iyaguna tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay, iyaga oo marxuumkana Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo. Aqoonyahan Ibraahim Aadan Doolaal oo kamid ah siyaasiyiinta Dawlad-deegaanka Soomaalida oo Aaska ka qaybgay, ayaa dhankiisa marxuumka Eebbe uga baryey inuu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo, waxana uu ku sifeeyey shaqsiyad dunida kaga tagtay raad muuqda oo dhinaca wanaagga ah. Qaar kamid ah haldoorkii Aaska ka qaybgalay oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Warfaafinta, Qorshaynta iyo Diinta iyo Awqaafta oo goobta jinaasada ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhdii marxuumka, waxana ay tacsiyeeyeen ehellada, qaraabada iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay marxuum Maxamed Xaashi Cilmi. Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), ayaa ugu horrayn tacsi u diray Ehelka, qaraabada iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu sheegay in marxuum Maxamed Xaashi dalkiisa iyo dadkiisaba uga tegay taariikh ballaadhan oo dhinaca hal-adayga, halganka iyo horumarintaba ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna marxuum Maxamed Xaashi ku tilmaamay Astaan qaran oo dhinaca horumarinta iyo ka shaqaynta danta guud cimrigiisa ku dhamaystay, jiilasha dambena u jeexay jid wanaagsan oo ay ku dayan karaan, waxana uu ehelka iyo qaraabada uga tacsiyeeyey geerida naxdinta leh ee ku timi. Wa-bilaahi Tawfiiq Related posts:Maxaad Kala Socotaa Qaabka Loo Bixiyay Qandaraaska Dhismaha Laybareeriga Gabiley?+Magaca Shirkada La... Muran iyo gacan ka hadal saaka Golaha wakiiladda hortiisa ku kala gaadhay saraakiil Booliiska ka tir... Shirkii Qaramada Midoobay Ee Todobaadkan Oo Lagaga Hadlay Dib U Dhac Ku Yimid Doorashooyinka Somalil... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|