|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Oo Markii Ugu Horeysay Faah Faahin Ka Bixiyay Mooshinka ka Dhanka Ah Madaxweyne Farmaajo.
December 12, 2018 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Qoraal uu ku sexeexan yahay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay heshay warbaahinta ayaa lagu sheegay in 09kii bishan uu qabtay sida uu hadalka u dhigay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya. Qoraalka ayaa oo ku socday dhamaanba xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in mooshinkan ay soo gudbiyeen xildhibaanno gaadhaya 92 xildhibaan sidaa daraadeed la waafajin doono sharciga iyo xeer hoosaadka u yaala Golaha Shacabka. Dhanka kale Warka ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u muuqda mid jawaab u ah qoraalkii uu shalay soo saaray xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo sheegay oo in uu jabay mooshinka kaddib markii uu soo buuxin waayay tiradii loo baahnaa. Halkan Ka Akhri; Qoraalka guddoomiyahaGolaha Shacabka : ![]() Related posts:Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Dhaliilay Qaabka Madaxwayne Muuse Biixi U Soo Dhisay Xukuumadiisa Daawo:Warbixintii U Danbaysay Deegaano Hor leh Oo Uu Ka Dilaacay Xanuunka Shuban Biyoodku Ee Gobolka... Shirkii Golaha Wasiirada Jsl Oo Lagaga Hadlay Xaalada Dagaal Ee Gobolka Sool Iyo Meelaha Lagaga Soo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|