WAJAALE NEWS

Danaha Mandaqada, Doodaha Aragtiyaha Is-xulanaya Iyo Qoomiyadaha Ugu Dihin Gobalka Ee Quwada Loo Diidan Yahay. Qalinka:C/raxmaan Jeesto.

Mandaqada Geeska Afrika waa meel xaas-xaasiya oo Aduunka lays kaga kala goosho waxa ku yaala xeebo dhaadheer oo isu xidha ( Red Sea And Indian Ocean), Taasoo fududeynaysa xidhiidhka Caalamka ee xadka baddaha uu la yeelanayo gobalkani waayo baddaha waaweyni Aduunka way ku wareegsan yihiin, Waana marinada ugu mashquulsan ee ganacsigu iskaga kala gudbo qaaradaha dhamaantood, Waxa kale oo uu caan ku yahay gobalkani quudashada wax-soo-saarka ka yimaada wadamada Eeshiya, Yurub iyo Ameerikaba, Markaa waa suuq inta ugu badan aduunku ku xisaabtamo dhinacyada Dhaqaalaha iyo Siyaasadaba oo ay ku dhaqan yihiin qoomem aad loola dagaalamo iney isu-tagaan ama ay midoobaan, Maxaa yeelay Qoomiyadaha ugu badan Geeska-afrika uguna fir-fircoon layskana eego waxa ka mid ah Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada waa duul in badan layska eegay fasiraado qaldana laga bixiyey.

Aragtiyaha ku loolamaya hanashada hogaanka mandaqada Geeska-Afrika waxay ka duulanayaan qodabo siyaasiya iyo dano dhaqaale, Hadaba waxa is weydiin leh waa ayo cidan loo hirdamayaa??, Cida loo hirdamayaa waa umamka quuta ama wax ka soo iibsada Dalagyada dibbadaha laga soo waarido Isla markaasna noloshoodu ku xidhan tahay dibbada haday tahay hu’ga , macuunta, iyo waliba quutal-daruuriga, Aduunkana intanay siyaasadi ka dhalataa ama laysu hagaa, Mandaqada qoomemka ku nool waxa ugu baaxad balaadhan umad ahaan Oromada iyo Soomaalida oo taniyo qarnigii 18aad bilawgiisii lagala dagaalamayey iney hogaamiyaan dawladaha ku yaala gobalkani ama laga hor-taagnaa iney calan-side ka noqdaan buq-cad ka mid ah gobalka, Waxa loogu diidanaa waa Il-baxnimo, Muslimnimo, Fir-fircooni, Aqooni, iyo Cadad badniba, Oo hadii ay mid qabsadaan ama ay ku midoobaan dawlad kaliya waxay la tar-tami kuma imika Caalamka horu-marey lagu magacaabo ee awooda iyo aragtida saliimka ah is-bidda.

Hadii aan is dul-taagno sida khadka looga saarey labadan Qoomiyadood ee (Oromada Iyo Soomaalida), Ugu horeyn waxa laga dhaariyey talada dalka iyo hanaanka jaan-goynta talada Qoomiyada Oramada yada oo cadaadis iyo culays la saarey sidii ay u noqon lahaayeen Umad duliya oo aan wax badan fahansanayn aakhirkiina waa lagu guulaystey, Qoomiyad oo tiradeedu dhan tahay (34,500,000), Oo ilaa imika si xawliya u sii kordhaya waxa maamuli jirey dad ka tiro yar kana tayo hooseeya inkastooy dhaqaalihii Itoobiya ka faa,iideysteen, Waxa ka mid ah Qoomiyadaha Tigrayga iyo Amxaarada oo ilaa qarnigii 18aad ku tacadiyayey shucuubtaa Oramada, Tirada Tigrayga oo ah (4,500,000) , Halka ay Amxaaraduna ka tahay (19,867,817), Ayey shacabka itoobiya ka yihiin labadaa qaw’mba, Sababta ka danbaysa dadka baaxadaa leh iney xukumaan kuwo afar milyan ahi waa arimo la xidhiidha caalamka kale iyo in aaney fikirin Oromadu lagana faa,iideysto dihinidooda ugu danbayn waxay xamilaan oo ay u sabraanba maanta waxa ay gacanta ku dhigeen hogaanka dalka Itoobiya umada Oramadu.

Halka Soomaali oo tiradoodu ay dhan tahay (21,598,625), Ayaa loo qaybiyey shan dawladood oo midba meel lagu xanibay si aaney u midoobin isla markaana aaney u noqon hal dawlad oo balaadhan, Maxaa yeelay Soomaalidu waa hodan leh khayraad badan, xeebta ugu dheer mandaqadan ama aan idhaahdo Bada-cas , Saliid iyo shidaalo kala gadisan, Hadaba intaasoo khayraada hadii loo helo quwad hal-mid ah oo dawladeed waxa laga baqay iney aduunka qabsato, Sidaa awgeed waxa loo kala dhambaley shan-docood oo maqaar-saar ah, Kuwaasi oo inba dawlad gaar lagu magacaabey sida , Djabouti oo cadadkeedu dhan tahay (978,204),

Somaliland: 4,500,000

Somalia: 5,234,849.

Somali Region Of Ethiopia: 8,500,000.

Somali Region Of Kenya:2, 385,572.

Labadan qoomiyadood oo ugu badan Geeska-Afrika ayaa la kala ilaaliyey ilaa imika xulafooyinkan carabtu ay gacan-yareyaasha ay ka yihiin waxay ku foogan yihiin kala dhigida fadalo-cadaanta Soomaalida Iyo Oramada oon laga gar-baxeyn haday midoobeen oo ay isu yimaadaan yagoo midiba dhinaceeda u dhisan tahay, Waxay keenaysaa in Geeska-afrika yaga loo soo maro ganacsigiisana loo daba-fadhiisto maadaama ay yihiin quutayaal dibbada wax ka suga inta badan, Balse waxa dhantaalaya himiladooda Diinta Muslimka waayo waxa loo baahan yahay umad dhinaca kale loo buun-buuniyo, Waxaan ku soo af-meeri lahaa Soomaalidu miyey is dareemi kartaa waqti-xaadirkan sida Oromada oo kale waayo halkaa waxa yaala jaanis ama fursad dahabiya , Ta kale dhamaan dawladaha soomaalidu waa iney xulafo kaliya ka soo wada jeestaan si aan laysu hor-dhigin waxa loo boratamayaa waa yaga iyo ganacsigooga hir-galey ee gobalka dhamaantii ka taaba-galey.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Diplomatic Annalism.

Gabiley/Somaliland.

Exit mobile version