DAAWO;-Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari Oo Ka Hadlay Kulankii Madaxwaynayaasha Jsl Iyo DDSI, Soona Dhaweeyay Doodii Xubnihii Ka Qaybgalay Shirkii Jabuuti. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari Oo Ka Hadlay Kulankii Madaxwaynayaasha Jsl Iyo DDSI, Soona Dhaweeyay Doodii Xubnihii Ka Qaybgalay Shirkii Jabuuti.
December 22, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Siyaasi Rashiid Jaamac dhari (Sheekhul Axmarka) oo kamida siyaasiyiinta reer Somaliland iyo saraakiisha xisbiga wadani ayaa ka dareen celiyay kulankii Madaxwaynaha Somaliland iyo madaxwaynaha ismaamulka somalida etoobiya maalintii shalay ku dhexmaray magaalo xuduudeedka wajaale,

Sidoo kale siyaasi rashiid Jaamac dhari ayaa ka sheekeeyay xidhiidhkii dhaqan dhaqaale ee ka dhexeeyay bulshada reer Somaliland iyo shacabka deegaanka somalida etoobiya

Dhanka siyaasi Sheekhul Axmarka ayaa soo dhaweeyay xubnihii ka qaybgalay shirkii ka dhacay dalka jabuuti ee lagaga doodayay isbadalka geeska oo isku badalay mid lagaga hadlo qadiyada Somaliland iyo Somaliya isagoo sheegay in aqoonyahan reer Somaliland shirkaa umatalayay guul wayn soo hoyyeen.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS