|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO; Mooshinka Xilka Qaadista Madaxwayne Farmaajo Oo Meel Xasaasiya Maraya Iyo Xildhibaano faah faahin Ka Bixiyay Qodobada Lagu Eedeeyay.
December 9, 2018 - Written by Editor:Muqdisho (W,N) in ka badan 92 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kaasi oo uu soo jeedintooda ka aqbalay gudoomiyaha golaha barlamaanka . Sidoo kale Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo mooshinka xilka qaadista madaxwayne farmaajo ayaa sheegay in tirada xildhibaanada doonaya in xilka laga tuuro marba marka ka danbaysa ay sii kordhayaan. Iyadoo xogahani tibaaxeen in ay tiradoodu kor udhaaftay 167 dhanka kale madaxwayne farmaajo iyo raysal wasaare khayre ayaa ku jira shirar ay kaga arinsanayaan mooshinka iyo sidii looga hortagi lahaa. Dhanka kale Qaarkamida Xildhibaanadii soo gudbiyay mooshinkan oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay qodobada ay madaxweynaha ku eedaynayaan iyagoo sheegay “inuu ku kacay khiyaano-qaran, kuna xadgudbay dastuurka qaranka iyo sharciyada kale ee Dawlada Federaalka Soomaaliya. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN; Related posts:Madaxweynaha Jsl Oo Kulan Wada-jir Ah La Qaatay Masuuliyiinta Baanka Dhexe Iyo Ururka Sariflayaasha! Xukuumadda Oo Xidhay Wariyihii Shanaad Toddobaad Gudihii Iyo Ururka Solja Oo War-saxaafadeed kasoo... Daawo:Salaadiinta Galbeedka Iyo Woqooyiga Hargaysa Oo Si Adag Uga Hadlay Ansixinta Gobolada Cusub Ug... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|