Tixdaasi kooban Ee Aan Hordhaca Qoraalkay kusoo sheegay oo Aan ugu magacdaray xaqu dirir waxaynu ka milicsan doonaa Qaybaha dambe ee qoraalkeena .
Aqoonhore u maan lahayn shakhsiyan waxaase kala socon jiray Wakhtiyadii xisbiga wadani ay ka mid ahayd mediaha waxaa Subaxnimadkii hore ee 14/12/2017 waxaa soo baxday liiska Digreetadii u horeesay ee xukuumada cusub uu kusoo dhisay Madaxweyne muuse biixi cabdi waxaa aan ogaaday in Madaxweyne muuse u doortay Hinda Jaamac Xirsi (Hinda Gaani) wasiirka wasaarada shaqo gelinta,arrimaha bulshada iyo Qoyska waxaan ku farxay marka koowaad in hooyo daacad ah oo codkarah oo hawlkar ah loo soo magacaabay wasaarada Shaqo gelinta, arimaha bulshadaiyo qoyska somaliland waxaan Raadiyay telephonekeeda gacanta waxanan ku hambalyey xilka Loo magacaabay oo u sheegay in si daacadnimo ah aanu ula Shaqayn doono madaama oo aanu aan ka mid ah lataliyayaasha Wasaarada anoo uqaabilsan xidhiidhka bulshada iyo Warbaahinta .
16/12/2018oo ahayd maalinkii si rasmi ah loo dhaariyay Golaha Wasiirada ee cusub ayaa wasiir hinda jaamac xirsi Subaxnimadkii dhaarta kadib nagusoo martay xarunta Wasaarada shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska anagoo Si balaadhan u soo dhawaynay .
Kalmadihii maalinkaasi wasiirka aan ka qoray waxaa kamid ahaa Waxaanu maanta nalagu dhaariyay kitaabka quraanka kariimka ah ee aan gacanta ku hayo waxanan idin balanqadayaa qofkasta Inaan kula xisaabtami doono shaqadiisa oo aan isku baran Doono qof kastaa sida uu u shaqeeyo.
Dhiirigelin badan iyo yididiilo ayay dhamaan hawlwadeenada Wasaarada iyo shaqaalaha aygalisay hadalkaasi wasiirku Waxaanu durtaba bilawnay in u diyaar garawga xilwareejinta Wasiirka cusub ee wasaarada iyo wasiirkii hore ee wasaarada Hadana ah Maareeyaha hayada wadooyinka ee Somaliland.
Subaxnimadkii18/12/2017 waxaa si rasmi ah u qabsoon Tahey Xil wareejintii wasaarada shaqogelinta arrimaha bulshada iyo Qoyska somaliland munaasibad balaadhan oo kaqabsoontay Xarunta wasaarada waxaa buux dhaafiyaya mudantii haweenka Somalilandoo ay ugu horayso marwo edna aadan ismaciil.
Lasoco qaybaha dambe
Allah Mahad Leh.
QALINKII; Axmed Maxamed Shaqalle