Ciidamo Damacsanaa Inay Dilaan Ra’iisal Wasaare Abiy oo La Xukumay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamo Damacsanaa Inay Dilaan Ra’iisal Wasaare Abiy oo La Xukumay
December 15, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Wasaaradda gaashaandhigga ee dolwadda Itoobiya ayaa sheegtay ciidama Kamaandoos ah oo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee ilaalada madaxtooyada oo damacsanaa iney Ra’iisal wasaaraha dilaan in xabsi lagu xukumay.

Wasaaradda gaashaandhigga oo shir jaraa’id qabatay ayaa waxay sheegtay 66 askari oo Kumaandoos ah oo kamid ah 200 oo askari iyaga oo hubkooda sita fasax la’aan madaxtooyada ku galay lagu xukumay 5 ilaa iyo 14 sano oo xadhig ah.

Madaxa maxkamadda ciidamada Gaashaanle Meshesha Areda oo ay wehliyaan xeer ilaaliyaha iyo qareenka u doodaya ciidamada oo shir jaraa’id qabtay ayaa wuxuu sheegay maxkamaddu iney xukunkaasi ku gaadhay fadhi maxkamadeed oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 500 qof.

Sida oo kale ciidamada iyaga oo hubkooda sita fasax la’aan madaxtooyada galay waxaa laga qaaday tillaabbooyin sharci ah oo waafaqsan nidaamka anshaxa ee ciidamada u yaalla.

Ra'isul Wasaare Abiye Axmed oo askarta amar ku siiyey in ay jimicsi sameeyaan si uu xaaladda u xakameeyo

Xeer ilaaliyaha maxkamadda seddex xiddigle Hayle maaryam maamo ayaa wuxuu sheegay ciidamadaas in laga qaaday tallaabbo sharci ah oo cashar u noqon karta ciidamada dalka ee falalka noocaasi ah ku dhaqaaqa.

Qareenka ciidamada u doodayey Desalegn Daka wuxuu isna sheegay geeddi socodka dacwadda ciidamadaasi ilaa iyo xukunka in loo maray waddadi saxda ahayd oo waafqsan dastuurka dalka iyo shuruucda maxkamadda ciidamada dalka u yaalla.

Warbaahinta qaar ee sheegay in ciidamada si aan sharci ahayn xukun looga qaaday ayna tallaabbadaasi mid khaldan waxay ku doonayaan ayuu yidhi iney sumcadda ciidamada dalka wax u dhimaan arrimaha noocaasi ahna loo baahan yahay iney idaacadahaasi ka waabtaan.

Source: BBC Somali

COMMENTS
LINKS