|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisaabiyaha Guud Oo Iska Indho Tiray Wareegto Madaxweyne, Isla Markaana Wada Dhismayaal Aan Guddida Qandaraasyada Qaranka Soo Marin.
November 3, 2018 - Written by Editor:Hargeysa, (W,N) – Xisaabiyaha Guud ee Qaranka JSL, ayaa wada dhismayaal sharci darro ah oo aan marrin Guddida Qandaraasyada Qaranka. Ilo xogogaal ah oo aanu hellay ayaa tilmaamaya in waaxda xisaabaadku waddo dhismayaasha Xafiisyo ku kala yaala Burco iyo Saylac, Lacagta dhismayaashani ku baxaysa ayaa la tilmaamay in ay ka badan tahay $100,000 oo Dollar iyada oo si gaar ah, cid gooni ah loogu naas-nuujiyay, maadaama aan wax tartan ahi aanu ka dhicin haba yaraatee. Sidoo kale, dhisme birta albaabka lagu xidho oo ay ka dhisayaan xafiiska hortiisa ayay ku bixiyeen lacag dhan $20,000 sida xogta aanu helay sheegayso, halka qiimaha dhabta ah ee ku baxayaa yahay $1400. Waxaana la wariyay in waayadan danbe musuqmaasuq baahsani ka socday Xafiiska Xisaabaadka Guud oo u muuqda mid aan lahayn cid baadha, iyada oo hay’adihii u qaabilsanaa baadhistuna ay indhaha ka lalinayaan maadaama oo ay xisaabtoodu marto oo aanay doonayn in ay isku dhacaan. Dhinaca kale, Wareegtooyinka ka soo baxa Madaxweynaha JSL, ayaa u muuqda kuwo aan wax saamayn ah ku dhex lahayn hay’adaha Dawlada ee ay khuseeyaan, taas oo xagal daac ku ah nidaamka dawlada. Waxaana taas dadka siyaasadda faaqidaa u daliishadeen talaabaddan waaxda xisaabaadku inay ka hor immanayso Wareegto madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/XM/WM/222-87/42018 ee soo baxday 29/04/2018, ay si toos ah u farayso Xisaabiyaha Guud in aanu sii dayn qandaraas ka badan $5000 oo dollar, oo aan soo marin Guddida Qandaraasyada ee Qaranka JSL. Si kasta ha ahaatee, lama garanayo sababta Xisaabiyaha Guud tartan u galin waayay dhismayaasha uu ka dhisanayo gobolada dalka in uu mariyo Qandaraasyada Qaranka iyo sababta keenaysa in uu lacag kula baxo dhisme aanay ku kicin lacag badani. XIGASHO WARGAYSA SAXAFI, Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|