WAJAALE NEWS

Xabsigu Dawladnimada waa ka xubin. W/Q: Mohamed Hagi

Dawladnimadu waa bad. In waxbarasho la helaa waa qayb dawladnimada ka mid ah oo weliba aad u mihim ah. Sababta waxbarasho iyo aqoon loo gu baahan yahay cid waliba waa mid ay fahmi karto oo aan u baahneyn faahfaahin. Waana sida dugsiyada aadanuhu u dhisto si uu nolosha garaad aqoon wata ugu kaabo.

Helista waxbarashadu waxa ay daawo ka tahay jahliga oo ah halis aadane oo waxyeello weyn u gaysan kara horumarka iyo dhaqaalaha dad iyo dal. Waxbarashadu waa hubka la gu la dagaallamo dib u dhaca bulsho ee dhaqan-dhaqaale.

Dhanka kale in caafimaad iyo cusbitaallo la helaa dawladnimada waa ka qayb. Waayo kuweenna xanuunsan waa goobta keliya ee aynnu kula tacaali karno nafahooda, isla markaana nafaheenna aynnu ku baxnaansan karno goorta aynnu xanuun dareenno. Raadinta caafimaadku waa baahi weyn oo aadane qabo waana ammuur nolol ku taxalluqda.

Sidaa si la mid ah ayey xabsiyaduna mihim ugu yihiin inteenna akhlaaq xumaysata ee fidmawalaha noqota in aynnu isaga awdno si aaney u galaafan una waxyeellayn bulshada inta san. Ujeeddada ugu weyn ee xabsiyada loo hindisay waa in nabad la gu helo oo nafaha bulshada waxyeellada la ga ga xijaabo.

Xabsiga waxa la gu sameeyey siyaasad dawladeed oo taariikhdeedu caddahay. Bulsho waxa ay leedahay in xun iyo in wanaagsan. Aadanuhu waxa uu isla gartay isaga oo dawladnimo adeegsanaya in sharka la ga sameysto xakame inta xun la gu qabto goorta ay waxyeello u diyaargaroobaan.

Haddii ummadi xabsi iyo ciqaab dawladnimo waydo waxa luma nidaamka iyo kala danbaynta dawladnimo ee bulsho u baahan tahay. In magaalooyinkeennu xabsiyo waaweyn yeeshaan danteenna ayaa ku jirta. Waana in kuweenna qalloocan la gu toosiyo si tubta saxda ah loo gu duwo.

Haddii Dugsi/Iskuul yahay goobta bulsho maskaxdeeda ku barbaariso, cusbitaalna yahay meelaha nafaha xanuunsan dabiib/caafimaad loo gu raadiyo. Xabsiyadu waa goobaha la gu edbiyo inta dulmiga gaysata ee waxyeellada jecel, si dhagar loo baajiyo oo nabadi u kobacdo. Waase in xabsigu noqdo goobta sidaa loo gu talo galay, ee aannu noqon goob cabbudhin iyo cago-juglayn loo farsameeyey. Burco yaaney sharaysan ee xabsiga ha soo dhaweyso waa tiir amni oo xumaan la gu suuliyee.

 

Mohamed Hagi Mohamoud

Exit mobile version