|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Gaadiidka oo Si Adag U Difaacay Go’aankii Uu Ka Soo Saaray Tagaasida VITZ-ta
November 22, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa ku baaqay in loo hoggaansamo awaamiir uu soo saaray 27kii October ee sannadkan, oo lagaga mamnuucay Tagaasida VITZ-ta inay qaadaan rakaab iskaga kala gooshaya gobollada Dalka. War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Wasiirka Gaadiidku oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka Shabakada Wararka ee Wajaalenews, ayuu ku sheegay in qaraarkii uu hore u soo saaray looga dan lahaa ilaalinta bed-qabka nafta iyo maalka dadweynaha Somaliland. Cabdilaahi Abokor Cismaan Wasiirka Gaadiidku wuxuu sheegay in aan loo diidin Tagaasida VITZ-ta ee loo yaqaanno “Dukhaanka” inay ka dhex shaqeystaan gobol walba inta Maayarrada degmooyinku xukumaan oo sharciga waddooyinku jidaynayo inay ka shaqeytaan. War-saxafadeedka Wasiirka waxa kaloo lagu xusay in muwaadiniinta ruqsada u haysata tagaasida VITZ-tu ay go’aankiisa racfaan uga qaadan karaan maxkamadda sare ee Somaliland, taasi oo arrintan ka soo saari karta go’aan kama dambays ah. Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka. Related posts:Daawo:Muj. Cali Guray Oo Galka Seefta Ka Saaray Eedaymo Culusna Ujeediyay Wasiirada Xukuumada, Ma... WAR-SAXAAFADEED : Fadhigii Golaha Wasiirada Somaliland Ee uu gudoominaayey Madaxweynuhu oo lagu ans... Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Caawa Cisbitaalka Hargaysa Ku Booqday Adaydii Ku Dhaawacantay Dab Qabsa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|