Saxafigii Cabqariga ahaa (A.U.N), Axmed Xasan Sufi-cilmi “ A. X-Cawke” ayey xalay ku beegnayd Maalintii uu xaqu haleelay mudo saddex sanadood ka hor, Hadaba waxa isu soo hagaagey Ban-dhiga buug laga qorey qayb ka mid ah Taariikh-Nololeedkiisii Iyo Xuska Sanad-guuradii Saddexaad kuwaasi oo munaasibad isugu jirta Xus iyo Ban-dhig buug ay ku kulmeen badi hal-doorka Saxaafada Somaliland oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Mudane: Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Iyo waliba bah-wadaagtii warbaahinta ee ay soo wada shaqeeyeen Mudadii uu saaxafada Saxaafada ku dhex jirey Marxuum: Axmed Xasan Sufi-cilmi (A.Xasan-cawke), Waxa yaguna madasha xaadir ku ahaa Abwaano waa weyn , Masuuliyiinta Qaranka Sida Duqa Degmada Gabiley, Badhasaabka Gobalka Gabiley Iyo Gudoomiyaha Hay,ada Shaqaalaha Dawlada Somliland, Mudanayaal kale oo xildhibaano, cuqaal iyo masuuliyiinba isugu jira, Waxaan la ilaawi Karin Maxamed Axmed Xasan-cawke oo ah curadkii marxuumka iyo Dhamaan cayladii reer xasan-cawke.
Mudanayaal kale iyo Qoraagii buuga mr. Xuseen Siyaad Mataan oo ka soo jarmaadey Magaalo-madaxdii gobalka Togdheer ee Burco, Munaasibada ayaa lagu lafa-gurey taariikhdii Marxuumka intii la shaqaysay oo u kala qaybsamayey fucaad kala duwan sida fucaadii hore ee radio Muqdisho, Bbc iyo Voada waxan ka joogay Wariyaha weyn Abokor Xasan Caafi oo macaa ilaa dhalaanimadii xusey, Sheegayna inay isu ahaayeen reer Kala-baydh. Fucaadii dhexana waxa ka sheekeeyey sooyaalkiisa inta uu ka soo gaadhey Gudoonka Solja (Maxamuud Cabdi Jaamac, “Xuuto”), Halka fucaadii ugu danbaysay ee nasiib u hesha inay la soo shaqeeyaan ay yaguna ka marag kaceen dun-wanaagiisii, dul-qaadkiisii, dadnimadiisi iyo waliba deeqsinimadiisii xad-dhaafka aheyd waxana hadalkaasi qaatey Wariye Xamse Bul-bul iyo Wariye C/risaaq Cismaan oo fucaadi ugu danbaysay ee ay bah-wadaag shaqo yeeshaan ka mid ahaa, Kuwa ugu mudnaa ee waayo-aragnimo badan oo naga dhinayd taariikhdiisa ku darey ama nala-wadaagey waxa ka mid ahaa Asaxaabtii ay rafiiqa ahaayeen Sida Odey C/qaadir Ibraahim Saalax (Cheifka), oo qurba-joog ahaa, Waxa xaqiiq aheyd inuu Axmed Xasan-cawke beertay ama tabcadey dad waayo waxa uu ahaa shakhsi aad caan u ah balse aan laga dareemayn isla waynida magaciisa, Waa hibo Raxmaanku gaar ugu hibeeyey isaga waxaaney abuurtey inaan la ilaawin maanka umadiisana aanu ka bixin nin nasiib wanaagsanbaa hela jaaniskaase.
Guntiyo gaba-gabadii mawduucaygan aan kaga qayb qaadanayo Xuska Sanad-guuradii Saddexaad ee geeridii marxuumka, Waxaan hadaba u soo ban-dhigaynaa umada in ay wada marag fureen Saxafiyiintii ay soo wada shaqeeyeen ama mutacalimiintii warbaahintu in Marxuumku ahaa Mucjiso ama taamilo Rabaaniya oo ilaahey hibo saxaafada u siiyey, Aakhirkii waxaan ku soo af-meeri Ilaahey janatul-fardawsa ha ka waraabiyo inaga iyo bahdiisii iyo waliba cayladiina Samir, Iyo Iimaan saadiqa ha ka siiyo, Waa hubaal hadaad u dhaqanto sida hal-dooradaa uu ka midka yahay ee taaba-galey in magacaaga iyo samahaaga sidaa loo xusi doono intii laydha joogtaana ka marag kici doonto hadii Eebe Idhaa.
W/Q: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
Diplomatic Annalists.
Gabiley/Somaliland.