WAJAALE NEWS

Madaxtooyada Iyo Qaybinta Bustayaashii Maalintii Dhowayd!W/Q; Prof Cabdi Cali.

Fiqiga Dawladnimada iyo ka NGo-yada.

Saaxiibayaal, marka laga eego duruufta haysata dadka dhimirka ka buka ee gobol kasta jooga, ma xuma, haddii aad is tidhaahdeen itaalka bal kan idiinku dhow uun wax la gaadha (Allaa kariim!!!!); laakiin ma aha sidaa dawladnimadu; sidaana dawladdu uma bixiso adeegga muwaadiniinta, ha ahaadaan kuwa buka ama kuwa caafimaad qaba’e. Waxa sidaa wax u gargaara hay’adaha qaabilsan sadaqadda (NGOS).

Ufiirso, maan odhan dawaladdu waxbay gar-gaartaa, waxan isticmaaalay kalmadda adeeg; maxaa yeelay dawladdu ma aha hay’ad sadaqad bixisa; waajib bay ku tahay dawladda in ay u adeegto muwaadiniinta, mana aha in loo arko samafalayaal sadaqad baxsaday; waa laba arrimood oo aan shaqo isku lahayn, sadaqo iyo adeeg.

Fadlan, idinkoo iga raaliya, yaan loo noqonin mar danbe, oo ka fiirsada qaabka aad dadka ugu adeegaysaan; ceeb bay innagu tahay innagoo 27 sano dawlad ahayn in aynu u shaqayno sidii NGO; waa kala laba dawladda iyo NGo-gu.

Alla ha idinku anfacee talada fiicani waxa weeye, Immika wixii ka danbeeya wasaaradda caafimaadku ha ku soo darsato budget ka sannadlaha ah; matalan, sannad kasta gobol ha loogu daro miisaaniyadda.

Ugu danbayntii, haddii aad hayso dood aad igu caabinayso oo cilmi ku dhisan, soo dhawow; Wallahi, anigaa taa jecel; haddii, laakiin aad isku daydo in aad shakhsiyayso ama aad mawduuca leexiso, Alle ha ku soo hadeeyo, kala haad baynu maraynaaye!!!

NB

Ma aha arrintani arrin emergency ah; waa budget item caadiya.

Qalinkii; Prof Cabdi Cali JaamacCabdo; Good Governance.

Exit mobile version