WAJAALE NEWS

Itoobiya oo kamid noqotay dalalka ugu xun ee aysan shacabkoodu helin musqulo

Warbixin ay soo saartay ha’yadda Charity Water Aid ayaa lagu sheegay in Itooobiya ay gashay diiwaanka dalalka ugu xun marka ay timaado in shacabka ay helaan musqulo.

Maalinta xuska musqulaha, waxay sheegtay ha’yaddan in boqolkiiba 93 shacabka Itoobiya aysan haysanin musqulo, sidaas darteedna, Itoobiya ay gashay kaalinta ugu hosaysa dalalka qaaradda ee aysan shacabkoodu helin musqulo.

Dalalka kale ee kaalmaha hoose galay waxaa kamid ah Chad, Madagascar iyo Suudaanta Koonfureed.

Water Aid waxay sheegtay in kabadan 340 milyan oo ah carruurta ku nool dalalka ka hooseya Saxaraaha qaaradda Afrika aysan haysanin musqullo isla markaasna ay halkaasi kusoo bateen cudurrada sida Shuban biyoodka.

Exit mobile version