|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamo Ka Tirsan Jabhada ONLF oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Jig Jiga
November 21, 2018 - Written by Reporter:Jigjiga (WJN)- Waxaa maanta magalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya laga dejiyay Ciidamadii Jabhadda ONLF oo gaadhaya ku dhawaad 300 oo askari,kuwaas oo kasoo ambabaxay Magalada Asmara ee Caasimadda Ereteriya. Ciidamaas oo ah kuwa aan hubaysnayn ayaa waxaa Asmara ka qaaday Diyaarad ay leedahay shirkadda Itoabiya Airlines,waxaana ay ka dejisay Garoon ku yaalla Magalada Jigjiga. Ciidamadaan ayaa saldhig ku lahaa Asmara xiliyadii dagaalka ku la jireen ciidamada Itoobiya ee xukumadihii dowlada hadda jirta ka horreeyey. Boqolaal ka mid ah Shacabka Magalada Jigjiga ayaa Ciidamaas kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garad Wiilwaal ee Magalada Jigjiga. https://youtu.be/z1kisdTAYDs Related posts:Halista Ku Deyran Meelmarinta Heshiiska Isfaham Ee Somaliland Iyo Itoobiya! Siyaasi Cali Guray. Gudida Qaban Qaabada Aaska Marxuum Cabdiqaadir Xaashi Oo Shaaciyay Wakhtiga La Keenayo Maykiisa Iyo ... Xildhibaan Koodbuur Oo Ka Hadlay Xaaladaha Siyaasadeed Ee Ku Xeeran Somaliland Iyo Waxyaabaha La Gud... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|