|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiga Kulmiye oo Ka Jawaabay Eedaymo Uga Yimi Mucaaridka, Wacadna Ku Maray In Aan La Kala Diri Doonin Koomiishanka
October 4, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa waxa si adag uga jawaabay eedaymo maalintii shalay ahayd uga yimid xisbiyada mucaaridka ee Ucid iyo Waddani oo ku aadanaaa kulamo maalmihii u danbeeyay u socday iyo xukuumada oo ay sheegeen in masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ay ganafka ku dhufteen qodobadii ay soo hor dhigeen oo ku saab sanaa qabsoomida doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka. Dhinaca kale gudoomiye ku-xigeenka xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa waxa uu sheegay in xisbigooda iyo xukuumaduba ay ka go,an tahay sidii ay doorashooyinkaasi wakhti goodie ugu qabsoomi lahaayeen sidoo kale waxa uu wacad ku maray in aan la diri doonin koomiishan wakhtigan.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|