Wargeyska Foore dhawaan boggiisa hore wuxuu ku daabacay xog ah in madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi wasiirradiisa ku amray in ay soo gudbiyaan waxqabadkoodii iyada oo sida aan u malaynayo lagu beegayo dhammaadka hal sanno oo ka soo wareegay muddadii xilka madaxtinimada loo doortay.
Haddii warbixintu run noqoto waa tallaabo wanaagsan waxaana loo qaadan kara in wixii hadda ka dambeeya masuul kasta lagu daba gali doono shaqada uu umadda u hayo ee loo igmaday, waxaana hubaal ah in dadweynuhu si weyn u soo dhawayn doono sababta oo ah waxay arki jireen madax aan cidiba la xisaabtami jirin sida ay doonanna u dhaqma. Laguma qiimayn jirin waxqabadkooda iyo waxyeelladooda toona. Waxa sinnaa masuulka xilkiisii gutay iyo ka xilkiisii gabay.
Abwaan Axmed Cali Garas (Maqaloocshe) isaga oo xaaladdaa cabbiraya wuxuu yidhi: “ Gaabiya ma hadho, dadaallana ma gudbo” tusaale ahaan xukumaddii madaxweyne Siilaanyo wasiir kasta wuxuu ahaa madaxweyne yar iyo xukuumad gaar ah oo iskeed u madax bannaan waana sababta horseeday in si xishood la’aan ah loo boobo hantidii umadda iyo in lagu tagri falo awoodda dawladnimada.
Si aan sanqadha loo maqlin waxa meesha laga saaray hay’adihii qaab dhismeedka dawladda ku jiray ee u xil saarna ilaalinta hantida Qaranka sida: Hanti-dhawraha guud, xisaabiyaha guud, xeer ilaaliyaha guud iyo xafiiska qandaraasyada Qaranka, halkoodii iyo shaqadii ay Qaranka u hayeen waxa lagu maxlalay hay’ad been-been ah oo la yidhaahdo Hay’adda La Dagaalanka Musuqmaasuqa!!
Si kastaba ha ahaatee haddii madaxweynuhu amarkan uga jeedo in uu wax ka bedelo maamulkii habacsana ee xukuumaddii ka horaysay si loo helo nidaam wanaagsan oo ka turjumaya baahida dalka iyo dadweynaha waxa ka horeeya in marka hore laga jawaabo su’aalahan oo muhiim u ah reform-kasta: madaxweynuhu diyaar ma u yahay in uu sameeyo isbedello dhab ah? Xaggee ayaynu joogna oo aynu ka duulayna xaggee se la higsanaya oo yoolkeenu yahay? Kadib waa in la dejiyo qorshe iyo siyaasaddii lagu hagi lahaa iyo in madaxweynuhu u xusho raggii iyo dumarkii ka midho dhalin lahaa aragtidiisa iyada oo lagu xisaabtamayo waxaad haysato iyo waxa kaa hor iman kara.
Shuruudaha Reform-ka:
Qorshe si mug leh loo darsay, qoondayn iyo qaybinta dhaqaalaha iyo wixii kale ee lagu hawl galayo (resources), dhismaha guddi farsamo oo ka shaqeeya isu dubarridka (co-ordination committee) wasaaradaha iyo hay’addaha kale ee dawladda, magacaabidda guddi awood badan oo 3-6 biloodba qiimayn ku sameeya geeddi socodka reform-ka si loo kala ogaado kuwa fuliyay ama ka soo baxay ujeedadii laga lahaa dib u habaynta iyo kuwa ka gaabiyay.
Guddigan marka ay u caddaato waxay awood u leeyihiin in ay miiska dushiisa ku eryaan masuuliyiinta sarsare haddii fashilaaddu xaggooda ka timid marka la qiimeeyo. laakiin, wax kasta oo aad haysato (opportunities) iyo dadaal kasta oo la sameeyo reform-ka laguma guulaysto haddii la waayo hoggaan isagu u heellan (committed) oo daacad ka ah.
Si kastaba ha ahaatee amarkan madaxweynaha uma arko in uu bilaw u yahay isbedel balaadhan waayo waxaan inoo muuqan haasaasihii iyo shuruudihii loo baahna waxaase la odhan kara kollayba waa tallaabo wanaagsan, waxqabadka yarina wuxuu dhaama wax la’aanta (Doing less is better than doing nothing).
W/Q: Cabdiraxmaan Cadami
Abdirahmanadami22@gmail.com