- Rusqada Shirkada Beenyada iyo xabkaha dalka ka gurata
- Rusqada Shirkaddii Laydhka ee Hargeysa
- Rusqadaha shirkadaha Laydhka ee Borama iyo Berbera
- Heshiiska lagu wareejiyey Dekeda Berbera oo aan sadex sano waxba laga qaban ( from 9th may 2015 – 3/10/ 2018 )
- Heshiiska lagu wareejiye Madaarkii Berbera oo aan wax qiimo leh la dhaafsan khatarna leh
- Heshiiska Shirkada daabacda Kaadhka dhalashada (Teysarada Muwaadinimada)
- Rusqada shirkadda Diiwaan-gelinta Madaniga ah.
- Rusqada Shirkadda daabacaada Manhajka Waxbarashada.
- Shirkada keenta qalabka kala duwan ee xafiisyada Dawlada
- Shirada keenta Raashinka Ciidamadda Qaranka
- Shirkad ku sheegta keenta Direyska Ciidamada Qaranka
- Rusqada Wakaaladda Biyaha ee Boorama
- Shirkada qaabilsan tigidhada dibadda ee Madaxda Dawladda.
- Shirkada daabacda Baasaboorka Somaliland – waa la soo celiyey
- Shirkada Kootada ku haysata Internetka Fiber Optic
- Shirkada Kawaanka Xoolaha ee Hargeysa oo fayo -dhowrkoodu xumaaday
- Shirkada Kootada ku haysata Maxjarka Xoolaha Al-jaabiri
- Shirkada ama Macradka dawladdu ka Qaadato Baabuurta.
- Shirkada Makiinadaha Dawaarisa Raashinka WFP.
- Qandaraaska Dhismaha Wershada hilibka ee Berbera
- Shirkadaha Qashinka ee Borama iyo Hargeysa oo aan shaqadooda gudan.
- Shirkada hagista gaadiidka iyo Nadaafada Dekeda Berbera
- Shirkada talaalka xoolaha la dhoofiyo oo aan si hufan loo wadin
- Shirkada daabacaada warqada cashuur bixinta Gaadiidka (Road tax ) –waa la soo celiyey
- Shirkada netfishka Berbera oo shaqsi gaar ah maquuno loo siiyey
- Shirkada daabacda Liisanka gaadiidka ee lafta ah – waa la soo celiyey
- Shirkada bixisa lambar bileydhka Gaadiidka dalka soo gala
- Shirkada bixinta foomamka customka ( custom entry forms)
-
Shirkada bixinta buugaagta lahaanshaha Gaadiidka-waa la soo celiyey
-
Shirkada daabacaada istiikarada visaha dalka laguu soo galo
-
Rusqada shirkada batroolka dilaasha / fadhateysata ee Betro Soma
-
Rusqada Shirkada Batrolka baadha / dilaasha ee East African Resource group
-
Rusqada shirkada Anglo Somaliland resourse loo siiyey in ay Kaluunka dalka keligood maamulaan.
-
Ruqsada Shirkada Somaliland Hono Group loo siiyey in ay Macadanta dalka ku gurtaan
-
Qandaraaska dhismaha Saldiga Berbera oo cid gaar ah loo xidhay
-
Ruqsada Shirkada Macdanta ka fadhataysata Buurta Simoodi.
-
Dhamaan Qandaraasyada DPW ee ay xukumadii Siilaanyo bixisay sida :
-
Qandaraaska fayo-dhowrka raashinka ka soo dega Dekeda Berbera ( quality control )
-
Qandaraaska Amniga (security ) ee Dekeda Berbera iyo Suqa xorta ah (free Zone )
-
Qandaraaska isgaadhsiinta Dekeda,shaqaalaha DPW iyo suuqa xorta ah
-
Qandaraaska Xawilaada iyo sarifka lacagta Dekeda Berbera ka soo xaroota
-
Qandaraaska dhismaha suuqa xorta ah ( free Zone ) ee Berbera
-
Qandaraaska Keydka qaboojiya-yaasha Dekeda Berbera
-
Qandaraaska dhismaha iyo maamulka parkinka baabuurta ee Dekeda Berbera
-
Qandaraaska Dayactirka Gaadiidka DPW iyo daabulaada shaqaalaha DPW
-
Qandaraaska quudinta shaqaalaha DPW ee dekeda Berbera
-
Qandaraaska qalabka xafiisyada, rasiidhada iyo istiikarada DPW
-
Qandaraaska Zaadka shirkada DPW iyo shaqaalaheeda u gaarka ah
-
Qandaraaska Nadaafada Guud ee Dekeda Berbera iyo suuqa xorta ah
-
Qandaraaska Dayactirka guud ee Dekeda iyo qalabkeeda
-
Qandaraaska Carbinta iyo Tabo-barida Shaqaalaha Dekeda ee DPW iyo Free Zone ka
-
Rusqada bixinta dhulkii Gaandi libaray
-
Rusqada wareejinta Hotelka Hargeisa Club
-
Rusqada bixinta dhulkii Hargeisa Womens Club.1.Waxaa Madaxweyne Muse Biixi lagu mahadinayaa go’aanka adag ee bar bilowqa ah ee uu ka qaatay soo celinta heeshiisyadan hoose waxaana aanu leenahay Madaxweyne Faanoole fari kama qodna ee halkaa sii kawad!!
1- Heshiiskii Haamihii keyd ka shidaalka ee Berbera. 2- Sheybaadhkii shidaalka, Parking kii gegida dayaaradaha Cigal international airport. 3- Dabacaada dokumintiyada dawlada sida Passporka, Cashuurta wadada Road tax, Cashuur ku dhejinta (stamp duty) , liisanka lafta ah ee gawaadhida , buuga dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo Adeega Amniga ee Madaarada. Danta guud ee JSL waxay ku jirtaa mar walba badbaado qaran iyo in qandaraasyadan badan ee sare ku taxan dib tendher loo wada mariyo oo tar tan xor ah oo xalaal ah loo soo wada maro cidii ku guuleysatana la siiyo ama gacanta dawlada lagu soo wada celiyo si dhaqaalaha dawladu u koro oo shaqo abuurka dhalinyaraduna u fududaato.
Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan. “Anigu Daaha Kama Rogin ee dadkuba wuu arkaayaa.! ee Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu gey-geyso” !
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London