1: Qof Kasta Waa In Uu Aqbalaa Imtaxaan Kasta Oo Noolasha La Soo Dhaafay !! > Xigmadani waxay Tusaale iyo Talo dhaxal gal ah u tahay in qofku aqbalo isla markaana aanu ku mashquulin welwel iyo welbahaarna iskaga dhigin , dhibaato ama dhacdo kasta oo ku soo marta maalamaha nolosha, sababto ah waxa muhiim ah in wixii shalay dhacay qofka maanta nooli uu uga faa’iidaysan karo khibrad nololeed waase hadii aad aqbasho inay tageen loona baahan yahay in aqbasho wixii shalay dhacay kana sii fikirto waxa maanta ama Berito dhici sidii aad u waajihi lahayd.
2: Dumar Waa Farxad, Laakiin In La Jeclaadaa, Waa Farxad In La Beero U Baahan !! > Xigmadani waxay Ina-Rageed ku waaninaysa Dumarku inay yihiin Nolol iyo Farxad u baahan in Farxadooda aad kasbata ay wakhti iyo Karti u baahan tahay in aad Jacayl ku beertid.
3 : Macaanka Maalmaha Wanaagsan Wuu Kooban Yahay, Balse Imatxaanka Noolashu Wu Dhib Badan Yahay !! > Xigmadani waxay qof kasta u tusaalaynaysa, sida qof kasta ay muhiimka u tahay in uu xisaabta ku darsado inay maalmaha noloshu xanuunkoodu ka badan yahay saddex Jibaar inta aad Farxada iyo Raaxadda heli kartid Tusaalena waxa kugu filan Geerida Xanuunkeeda.
Qalinkii iyo Xigmadihii: Filisoofar : Dulqarnayn Axmed