Xil wareejin kadib madaxweynaha la doortay mudane Muuse Biixi markiiba wuxuu soo magacaabay xubnaha golihiisa wasiirrada iyo masuuliyiinta kale si uu u buuxiyo jagooyinka sarsare ee dawladda sida uu u awood siinayo qodobka 90-aad ee dastuurka JSL.
Madaxdan hoggaaminta iyo dardar galinta hay’addaha loo igmaday ka sakow waxa laga rabaa in ay karti iyo awood u leeyihiin xal u helidda wixii dhibaato ah ee la soo darsa, loomana baahna in la soo gaadhsiiyo madaxweynaha ama lagu mashquuliyo arrimo yaryar iyo waxaan sakaaro ka biirsan; waxa se la soo gaadhsiin kara arrimaha muhiimka ah ee looga maarmi waayo in uu qayb ka noqdo fardaamintooda.
Tusaale ahaan wasiirka arrimaha dibadda ee Boqortooyada Ingiriiska waxa xafiiskiisa ku soo dhaca boqolaal dhambaal oo ka kala yimaadda safaaradaha ay ku leedahay dunida dacalladeeda si madaxdu go’aan uga qaadato ama ay ka soo talo bixiso, hase ahaatee wasiirku akhris iyo kala shaandhayn kadib ra’isal wasaaraha waxa uu u gudbiya ilaa 10% inta kale waxa ku tagri fala ama ka jawaaba wasiirka iyo saraakiisha kala shaqeeya wasaaradda, sababta oo ah macquul maaha in wax kasta ra’isal wasaaraha/madaxweynaha lala socodsiiyo ama lagaga jeediyo hawlaha muhiimka ah.
Haddaba muddo 10 bilood ah oo madaxweyne Biixi xilka hayay waxa dhegaha dadweynaha ku soo noqnoqanayay ama ka mid noqday wararka inta badan lagu sheekaysto isqabqabsiga masuuliyiinta Qaranka gaar ahaan kuwa wada jooga hal wasaarad: wasiir iyo wasiir ku xigeen, wasiir iyo agaasime guud ama maareeye IWM.
Madaxweynaha waxa ku waajib ah in uu ragga iyo dumarka uu ka soo xushay bulshada ka difaaco dhalliilaha iyo xagxagashada kaga imanaya mucaaradka iyo waliba in uu u muujiyo sida uu ugu kalsoon yahay shaqada ay qaranka u hayaan, haddiise khilaafaadkoodu noqdo wax joogto ah oo maalin kasta qaylo dhaan iyo ashkato uga timaaddo kuwii uu ka sugayay hiilka iyo in ay ka caawiyaan culaysyada kaga imanaya dalka gudihiisa iyo dabaddiisaba, miyaanay marka ahayn madaxweyne mar wax naga celi, marna anaga na kala celi. Runtii waa arrin la yaab leh oo aan madaxweynahana qaban.
Dhinaca kale waxa hoos u dhac ku yimaadda shaqada iyo adeegyadii bulshada loo qaban lahaa, waxa kale oo ay saamayn ku yeelata shaqaalaha oo marmarka qaarkood u qaybsama laba kooxood oo la kala safan labada ‘captain’, waxa si xun u dhaawacma haybaddii dawladnimada siiba marka khilaafka madaxda sare soo gaadho shicibka waxay ka sii darta ama ay sii dhabaqda marka ay isku adeegsadaan warbaahinta ee midba ka kale ceebtiisa la wadaago public-ga.
Sidaas daraadeed Madaxweyne waxa lagama maarmaan ah in la anshax mariyo masuuliyiinta ku fashilmay hoggaaminta wasaaradahooda iyo maaraynta khilaafaadka dhexdeeda.
W/Q Cabdiraxmaan Cadami