Itoobiya iyo Soomaaliya oo Golaha Ammaanka QM Ka Codsaday In Cunaqabateynta Laga Qaado Eritrea | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya iyo Soomaaliya oo Golaha Ammaanka QM Ka Codsaday In Cunaqabateynta Laga Qaado Eritrea
October 1, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wasiirrada arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay xarunta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa codsaday in cunaqabateynta saaran dalka Eritrea laga qaado si loo gaadho gobolka Geeska Afrika oo xasilloon.

Axmed Ciise Cawad, oo xarunta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka jeediyay khudbad, waxaa uu sheegay in la joogo wakhtigii cunaqabateynta saaran dalka Eritrea laga qaadi lahaa, halka wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya,Workneh Gebeyehu uu sheegay dalkiisa inuu codsanayo in dunidda loo furfuro Eritrea oo cunaqabateynta saaran laga qaado.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib usoo nooleeyay xidhiidhkooda, kaddib heshiis ay labada dal ku gaadheen dalka boqortooyada Sacuudiga, waxaana heshiiska mar kale uu dib usoo celiyay rajada Eritrea ee ku aaddan in laga qaado cunaqabateynta saaran.

“Eritrea  waxay muddo dheer ku dhibtooneysa cunaqabateyn aan sharci ahayn.” ayuu yidhi Cismaan Saalax, wasiirka arrimaha dibadda Eritrea oo khudbada uu ka jeediyay xarunta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku dheeraaday cunaqabateynta dalkiisa saaran.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo khudbad ka jeediyay xarunta golaha ammaanka ayaan sameynin codsiga ah in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

Hoggaamiyayaasha dalalka ku yaalla  bariga Afrika ee Soomaaliya,Itoobiya,Eritrea iyo Jabuuti ayaan sannadkan tagin xarunta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,waxaana shirka ku matalay wasiirrada arrimaha dibadda.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS