WAJAALE NEWS

Dawladda Jabuuti oo mar labaad si weyn u ga cadhootay qodob ka soo baxay Shirka Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Qodobka 9aad ee Communique shirka ayaa waxa si weyn loo gu soo dhaweeyey horumarka dhawaanahan ka dhacay Geeska Afrika oo loo ga jeedo isbeddellada siyaasadeed ee heer gobol sida heshiiska Itoobiya iyo Eritrea.

Nabad ahaanshiyaha Eritrea iyo Itoobiya oo wakhtigan aaney wax dan ahi ugu jirin Jabuuti ayey Muqdisho hore u taageertay u na codsatay in cunaqabataynta hubka Eritrea la ga qaado. Jabuuti waxa ay ku dacwiyeysaa in Eritrea ay dhul iyo maxaabiis ka hayso.

Shirka la gu taageeray heshiiska Geeska Afrika oo loo ga jeedo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhex curtay Eritrea iyo Ethiopia waxa la tuhunsan yahay in Soomaaliya ay lug ku leedahay oo iyadu soo jeedisay in dalalka 56 ahi sidaa yeelaan.

Waxa xusid mudan in labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea midkoodna aannu xubin ka ahayn Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka. Jabuuti oo Muqdisho abaal doorka ah ku leh (Carta & AMISOM) beryahan dibindaabyo diblomaasiyadeed ayaa Muqdisho kaga socota.

Jabuuti waxa dhabanno hays ku noqotay dabciga Silloon ee abaal ka darka badan iyo dubbaha bilaa tudhaalaha ah ee ay Muqdisho u darandooriday.

Mohamed Hagi Mohamoud

Exit mobile version