|
|||||
WAJAALE NEWS
Bandhigga Teknoolojiyadda iyo Isgaadhsiinta Soomaaliya oo Muqdisho Ka Furmay
October 16, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN)- Bandhigga Teknoolojiyadda iyo Isgaadhsiinta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Muqdisho. Bandhiggani waa midkii ugu weynaa ee loo qabto teknoolojiyadda iyo isgaadhsiinta Soomaaliya taas oo ay ka soo qeyb galayaan dhammaan shirkadaha iyo hay’addaha ka shaqeeya suuqa Isgaadhsiinta iyo teknolojiyada. Waa madal isku xidhi doonta qeybaha shirkadaha isgaarsiinta, tiknoolojiyadda iyo hal-abuuriyaasha teknoolojiyadda. Bandhigga waa madal loo sameeyay shirkadaha adeegyada teknoolojiyadda bixiya, shirkadaha gaarka loo leeyahay, kuwa dowladda iyo guud ahaan dadka ku lugta leh teknolojiyada in ay isugu yimaadaan isla markaana abuuraan xidhiidh adag ayna u abuuraan wada shaqeyn wax ku ool ah.
Related posts:Siyaasi Xuseen Dayr Oo ka hadlay Midowgii Somaliland & Somaliya Iyo Khiyaamo Ay Somaliya Ku Kacday! Dawlada Norway Oo Ka Hadashay Nin Dhalasheeda Haysta Oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Ku Xukuntay ... DAAWO; Safiirka Dalka Sweden U Fadhiya Somaliland Oo Si Qoto Dheer Ula Dardaarmay Shacabka Gobolka G... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|