Siyaaasada Soomaalidu Waa Danaysinimo!
Ka soo bilow inqilaabkii Maxamed Siyaad Bare waxa uu sad qeeyey ragii inqilaabka la dhaliyey.
Axmed Siilaanyo wuxu isna banaanka kaga tagay ragii sideeda sanno dhufayska mucaaradnimo ku wada jireen, waxaanu markii uu guulaystay xilal badan ku taxay ragii ay siyaasada isku hayeen ee UDUB.
Muuse Biixi isna waxa uu maanta khaarajiyey ninkii labaad ee ku hadhay markii godoonka siyaasadeed la galiyey.
Mid gar buu ku leeyahay Jaamac Shabeel oo Axmed Siilaanyo xisbigii laga xuubsiibtay buu kaga tagay wakhtigii uu guulaystay, maanta Muuse markii uu guulaystay buu isna kaga tagay, marka inuu diido in rag kale oo ay isku deegaan ka soo wadda jeedaan oo xisbiga waxba ka ahayn in xukuumada lagu daro isna banaanka lagaga tago gar way la noqon wayday, hadii uu banaanka joogayo isagoo xisbiyada kolba wax loo tuurayo ku biira u dhaanta inuu mar kale biriish noqon lahaa.
Ninkaasi waanu isa soo saaray, badheedhisiina hadda loo fasaxay, wuxuuna noqonayaa ciyaartoygiii labaad ee xisbiga ka baxay oo hore waxa uga horeeyey Ramaax oo aan la dhayalsan Karin, maanta Shabeel, jaaniskaasi UCID ha ka faa’iidaysato oo ragii cuscuslaa ee guusha u horseeday kulmiye ee news makerka ahaa ha ka soo urursato kulmiye walibana ha loogu daro guddida arrimaha doorashooyinka kala xaajoonaysa madaxweynaha iyo KULMIYE, bal sawiro ragii la soo halgamay oo maanta darafka kale ah oo madaxweynaha hor fadhiya oo ku adkaynaya arrinkasta, sow ku jiqsiidu badan mayso, waayuhu waa hadhkaasi labadiisa galin.
QALINKII; Barkhad-ladiif Cumar