|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida oo Sheegay In La Soo Celinayo Dhul Si Sharci Darro Ah Loo Qaatay
September 27, 2018 - Written by Reporter:Jig Jiga (WJN) – Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar ayaa waxaa uu sheegay in xukuumadiisu ay u qorsheysan tahay inay soo celiso dhul ay sheegtay in si sharci daro ah loo qaatay. Madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar ayaa sheegay in ay hayaan xogta ku saabsan dhul iyo hanti badan oo ay boobeen dad aan Soomaali aheyn oo u badan saraakiil ciidan, si dhakhso ahna ay talaabo uga qaadi doonaan islamarkaana ula wareegi doonaan hantidaasi shacabka laga boobay. Dadka arrimaha siyaasadda falanqeeya ayaa waxaa ay sheegeen dhulalka ay qaateen saraakiisha ciidanka inay ahaayeen kuwa iyaga lagu naas nuujinayay, maadaama iyaga ay udub dhexaad u ahaayeen dowladdii hore. Shacabka dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan talaabada uu qaaday madaxweyne Mustafa Cagjar, waxayna ay tilmaameen inay dib u soo laabaneyso cadaaladda oo ay sheegeen inay hore u luntay. Xukuumadda cusub ee Soomaalida ayaa marka ay xilka qabatay isbedel ku sameysay waxyaabo badan oo xukuumadii ka horeysay la timid, loona arkayay inay aad ugu muujineysay Itoobiyaanimada dadka Soomaalida ee gobolkaaasi degan.
WAJAALENEWS.NET JIG JIGA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:“Waxyaabaha Lagu Xasuusan Doono Madaxwayne Biixi Ee Rikoodhka Ugalay Waxa Ka Mid Ah, Sidii Komishank... Shacabka Reer Gabiley Oo Iskugu Soo Baxay Banaan Bax Ay Ku Taageerayaan Ciidamada Qaranka Somaliland Dawlada Itoobiya Oo Masar Ku Eedaysay Rabshadihii Dadka Badani Ku Dhinteen Ee Ka Dhacay Dalkeeda. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|