|
|||||
WAJAALE NEWS
Maayerka Ceerigaabo oo Dhaliilay Qaabka Uu U Shaqeeyo Mashruuca Horumarinta Somaliland Ee SDF
September 14, 2018 - Written by Reporter:Ceerigaabo (WJN)- Maayerka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa dhalliilay qaabka uu u shaqeeyo Mashruuca horumarinta Somaliland Development Fun ee loo soo gaabiyo SDF, kaas oo uu sheegay inaan waxba looga qaban gobollada iyo degmooyinka Bariga Somalialnd, hase-yeeshee, looga faa’iideeyo gobollada Galbeedka, waxaanu ku dooday in laga eexday gobollada Barri. Waxa uu duqa degmada Ceerigaabo Ismaciil Xaaji Nuur sheegay inay jiraan Wasiirro Xukuumaddii hore iyo Xukuumaddan hadda ee Muuse Biixi xilal ka hayey, kana haya oo aan weli arag magaalada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag toona, waxaanu soo jeediyey in loo baahan yahay in loo sinnaado Mashaariicda horumarinta Somaliland ee laga fuliyo Sanduuqa SDF.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/vPT3gJSYcuk Related posts:Magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Wadanka Itoobiya, Ayaa Waxaa Maanta Si Rasmi Ah Uga Furmay Shirkii ... Mujaahidiin Iyo Aqoonyahan Si Adag Uga Hadlay Duulaanka Lagu Soo Qaaday Saldanada Subeer Awal Iyo Ci... Shirkadda DHAWEEYE oo Daahfurtay Adeeg Cusub oo Bulshada u Sahlaya inay Cunto Dalbadaan iyagoo Gurya... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|