“Jamaal Ha Inoo Jilciyo Cadaalad Darrada Uu Leeyahay Caarre Ayay Ku Dhacday”.Siyaasi Cali Gurey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Jamaal Ha Inoo Jilciyo Cadaalad Darrada Uu Leeyahay Caarre Ayay Ku Dhacday”.Siyaasi Cali Gurey
September 4, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Gurey” ayaa waxaa uu si adag uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay Jamaal Cali Xuseen.

Siyaasi Cali Gurey oo qoraal kooban soo dhigay barta xidhiidhka bulshada ee Facbooga ayaa u dhignaa sidan.”Jamaal Cadaalad darro aniga ayay igu dhacday waan gartay balse wuxu iskala mid dhigay Caare uu leeyahay cadaalad darro ayaa ku dhacdaye bal ha inoo jilciyo cadaalad darrada uu leeyahay Caare ayay ku dhacday?

Laakiin ha la yaabina siyaasadda ayuu ka bilaabay halkii ugu saraysay iyo madaxwayne ayaan doonayaa. Siyaasigu mar keliya ma dhinto wuxu dhintaa marar badaan. Jamaal waa markii ugu horeysay haddii uu siyaasadda ku sii jiro ha ku talogalo inu marar badan oo kalena dhiman doono. Siyaasadda waa la is riixaa karkaarka ninkii la waydaarin karona waa la waydaariyaa cadaalad darrona weliba lama yidhaa. Isaguba cidna teelo umuu dhigteen haddii uu fursadda heli lahaa. Halkanna waxa la yidhaa Afrika nin cawday waa nin jilicsan. Isagu lacag iyo dhul baa magdhaw loo siiyaye kuwii afarta sanadood garbkiisa taagnaa hal qof dib ma u soo eegay. Marka ururada la furo ugu dhawaan 2024ka hadii uu urur siyaasadeed furto uu xisbinimo ku guulaysto uu musharax ka noqdo oo shacbiga codkooda ku soo baxo wuu noqon karaa Madaxwayne intaasoo dhan sida la isugu wada helaana maaha wax dhib yar laakiin ka Ilaahay u qoray wax celin karaa ma jiro sida Muuse Biixi oo maanta Madaxwayne ka ah Somaliland.

Somaliland caddaalad darradu waxay ku dhacdaa inta inoogu saboolsan ee taagta daran oo aan waxba la iskaga tirinin codkoodana aan cid maqashaaba jirin. Laakiin Ilaahay bay ugu samraan oo maalin maalmaha ka duwan oo Ilaahay hortiisa la wada taagan yahay ayaan dambaysa waana la sua’aali ciddii masuulka u ahayd ee ka ahayd”.

 

Siyaasi Cali Gurey

 

COMMENTS
LINKS