|
|||||
WAJAALE NEWS
Hay’adda NRC oo Sheegtay in ay Xidheyso Barnaamijyo Gargaar oo ay Fulin Jirtay
September 11, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Hay’adda gargaarka caalamiga ah ee fadhigeedu yahay dalka Norway ee NRC loo soo gaabiyo ayaa ku dhawaaqday in ay xidheyso barnaamijyadii ay ka fulin jirtay wadamada bariga Afrika. Hay’adda ayaa sabab uga dhigtay tallabadani ka dib markii dowladaha reer galbeedka ay jarteen lacagihii ay hay’daha gargaarka siin jireen. Hay’adda ayaa sheegtay in hay’adda ay xidheyso barnaamijyadii ay ka waday dalalka Tanzaniya,Kenya iyo Uganda. Bayaan ay hay’adani NRC soo saartay ayaa lagu sheegay in jaridda dhaqaalahani ay ku soo beegmayso xilli dalalka Yurub iyo Mareykanka ay dalalkooda u diidayaan in ay galaan dadka soo galootiga ah. Dhanka kale dalalka Euroupe iyo Mareykanka ayaa diiday in ay qaataan dad soo galooti ah waxa ayna hoos u dhigeen lacagihii lagu taageeri jiray dadka qaxootiga ah. Wadamada bari Afrika ayaa marti galiya ku dhawaad 2 milyan oo qaxooti ah oo intooda badan ay dagaalo ka soo qaxeen. Qaar ka mid ah qaxootigaasi ayaa waxa ay ku jiraan xerada qaxootiga ee Dadab, waana qaxooti intooda badan ka soo qaxay dalka Soomaaliya. Related posts:"Hadalka Saleebaan Waxa Uu Xambaarsanaa Caqli Xumo Iyo Nacasnimo, Xaal baanan Ka Bixinayaa" Boqor B... Madaxwaynaha Jabuuti Oo Si Kulul Ucanbaareeyay Weerar Lagu Laayay Askar Katirsan Ciidamada Dalkiisa. DAAWO Dhacdo Cajiib Ah; Geel La Dhacay 33 Sano Ka Hor Oo Loo Soo Celiyay Dadkii Lahaa Iyo Weedhihii ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|