Dukaanle ka ganacsada kalluunka oo ku sugan dalka Kuwait ayaa dukaankiisa la xidhey kadib markii la faafiyay sawirro muujinaya indho baliil ah oo uu u xidhay kalluunkii uu iibinayay si uu uga dhigo in uu yahay mid cusub oo markaas la keenay.
Muuqaal muujinaya arrintan ayaa aad la’iskula wadaagay barta Whats’app-ka iyo sidoo kale baraha bulshada sida uu tabiyay wargeyska Al Bayaan.
Dukaamalayda kale ayaa sameeyay falcelin ah in ay soo bandhigaan kalluun cusub oo markaas badda laga soo jalaabtay.
Dadka baraha bulshada ku jira ayaa sidoo kale dhankooda aragtiyadooda ka dhiibayay falkan, waxayna qaarkood sheegeen in dhaqanka qarinta runta badeecada ay tahay wax aanan wanaagsanayn.
Bishii Julay ayaa nin kale oo kalluunle ah lagu eedeeyay in uu caloosha uga guray masaabiir si uu u kordhiyo kiilaha kalluunka marka dadka loo miisaamayo, lagana iibinayo.