|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Ciidamo Ka Tirsan fadaraalka Itoobiya Oo La Wareegay Xarumihii DDSI Ee Magaalada Jig Jiga Iyo Xaalka Madaxdii Dawlada!
August 4, 2018 - Written by Wariye:
Waxayna mas’uuliyiintani intaasi ku dareen in aanan la ogayn halka uu jiro madaxweynaha dowladda deegaanka Itoobiya. Wararka inaga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee dowlada deegaanka Itoobiya waxay sheegayaan in ciidamo military oo wata gawaarida gaashaaman magaalada gudaheeda lagu arkayay. Mas’uuliyiinta dowladda deegaanka waxay sheegeen in ciidammada ay isku gadaameen xarumaha dowladda ee ku yaalla magaalada. Lama ogo sababta ka dambaysay dhacdada ay militariga kula wareegeen magaalada. Warbaahinta Adis Standard ayaa barta Twitter-ka kusoo bandhigtay sawirro muujinaya ciidammada militariga oo saaran baaburta gaashaman oo ku sugan magaalada Jigjiga. Waxay intaasi ku dartay in ciidammada ay gaareen caasimmada dowlad deegaanka kaddib markii ay guuldaraysteen isku dayo loogu yeerayay madaxweyne Cabdi Cumar Maxamud.
Kala soco wixii warara ee ka soo kordha wajaalenews.net WARIYE ABDIQADIR HABBANE WAJAALENEWS.NET Related posts:Maayarka Magaalada Gabiley Oo Ka Warbixiyay Dugsi Farsamada Gacanta Oo Ay Ka Hirgalinayeen Gobolka G... Daawo ;Madaxwaynaha Somaliland Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Marxuum Gacmo Dheere. Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Ehelada Laba Oday Ee Marxuum Maxamed Cabdilaahi Riiraas... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|