Wafti Ka Socda Xukuumada Somaliland Oo Magaalada Nairobi Kula Kulmay Siyaasi Cabdikariim Qalbi Dhagax Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Ka Socda Xukuumada Somaliland Oo Magaalada Nairobi Kula Kulmay Siyaasi Cabdikariim Qalbi Dhagax Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen!
August 25, 2018 - Written by Editor:

NARIOBI(W,N) Wafti ka socda xukuumada Somaliland oo safar ku jooga dalka Kenya ayaa kulan muhiim ah Magaalada Nariobi kula qaatay Siyaasi Cabdikariim sheikh Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan laga soo daayay xabsi ku yaala dalka etoobiya.

wafti reer somaliland iyo qalbi dhagax

Waftigan ka socday xukuumada somaliland ayaa Waxaa kamid ahaa Wasiirka iIsgaadhsiinta iyo Technoolajiyada Dr Cabdiwali Suufi Jibriil Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Wasiirkii hore ee wasaarada Warshadaha  Shucayb Maxamed Muuse, Safiir kuxigeenka dalka Kenya iyo xubno kale .

wafti reer somaliland iyo qalbi dhagax 4

Kulankan waftiga Somaliland la yeesheen Siyaasi Cabdikariim Qalbi Dhagax ayaa ahaa mid saacado qaatay wallow aan warbaahinta la ogolaan  shirkan xubanahan ka socday xukuumada Somaliland ayaa siyaasi cabdikariim qalbi dhagax gaadhsiiyay salaam ay reer somaliland uga sideen iyo sida reer Somaliland diyaarka ugu yihiin Imaatinka Somaliland.

iyadoo siyaasi cabdikariim qalbi dhagax ay hore dawlada somaliya u gacan galisay dalka etoobiya taasi oo dhaawac ku noqotay hanaanka siyaasadeed maamulka muqdisho .

wafti reer somaliland iyo qalbi dhagax 3

 

shucayb and qalbi dhagax

Dhanka Kale  siyaasi cabdikariim qalbi dhagax ayaa sheegay in dhawaan uu imanayo Somaliland isagoo xusay  in  reer Somaliland ay yihiin dad iyo dal agtiisa qiimo wayn kule.

watfi reer somaliland iyo qalbi dhagax 2

kulankan ayaa mid muhiim u ha siyaasada guud ee somaliland iyo xidhiidhka siyaasadeed ay ku yeelan doonta deegaana somalia etoobiya oo xiligan siyaasi cabdikariim qalbi dhagax kamid yahay xubnahan ugu saamaynta badan,

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS