Waddan Doorashooyin Xor ah laga qabto, oo Madaxweynuhu Waqti leeyahay, gar iyo daw toona noqon mayso in aad qori u soo qaadato; waxa garawshiiyo aad heli kartaa haddii aad la dagaalamayso kaligii taliye xoog meesha ku haysta oo aan ogolayn doorasho.
Waxa loo samaystay-ba dimuqradiyadda iyo is doorashada waa in laga badbaado isku dhac iyo dagaal sokeeye; maxaa yeelay xukunka waa la isku dilaa, haddii loo kala qaadan waayo si nabad ah oo dimuqraadi ah; kolayba dhaliil iyo ceeb way yeelanaysaa doorasho kastaa, taasna waa in laga tashadaa sidii loo hagaajin lahaa.
Suldaan Weber waagii uu baxay, intaa in le’eg baan qoray; waliba Taliye Caare wuxu u tegay Puntland oo xaalad dagaal ina dhex taallo; taas oo kale way ka baxsan tahay xadkii iyo xayndaabkii mucaaradada iyo tabashada; kolaybana ma najaxayso ee maxaad isu ceebayn; waayo ma jiro waaqicii saacidi lahaa; Tusaale, Itoobiya immika haddii Axmed Abey uu dhammaystiro dimuqraadiyadda iyo xorriyada uu ku bilaabay, ma sii jirayaan jabhadihii Oromada iyo Ogaden?
Qalinkii Prof Cabdi Cali Jaamac ; udhaq-dhaqaaqa Arrimaha Bulshada Iyo Maamul Wanaagga.