WAJAALE NEWS

Waa in la wadaaga mansabka, manfaca, maganta, moorada iyo muquunadaba W/Q: A/rahman Fidhinle

Qaranimadan lagu naaloonayaa kumey iman  habaqleysi iyo hormo-qamaam, kumey iman, kula lihi iyo kaa lihi, kumey iman ku daneyso iyo ka daneyso, kumey iman hanyari iyo hawaawil ee waxay ku timi hal-adeyg, hanweyni, hawlgal adag iyo gumucii iyo gaashaan kii mujaahidiintaa intii ka sii nooli ay maanta ka muuqato safrada iyo sufurta cawlan kuwaas oo badankoodu ay ku sugan yihiin saymo dhaxameed oo debedyaalna u ah dacdarada dabeeda.

Qaranimadu maaha oo keliya inta Digreetada ku timi, inta dabo socota ee dawaada ka maraareysatey iyo inta dibirtay ee doobineysa ee dhibi shaxleyneysa ee Qaranimadu waa shacabka qaybihiisa kala duwan oo isku  noqda qowmiyad mid ah oo leh quluub mideysan oo isku dan ah, isku dad ah, oo isku dal ah, ku waas oo  wadaaga dhamaan midhaha dawladnimo sida:  manfaca,mansabka,maganta, moorada iyo maquunadaba.

Somaliland kumay iman Hadyad iyo hagbad jeegaamaysan balse waxaa loo soo qubay dhiig badan waxaana loo huray naf iyo maal ay dhamaan shacabka Somaliland wada lahaayeen sidaa daraadeed marna xukuumada laga yeeli maayo in ay shacabkii halganka a’dag iyo hayaanka dheer u soo  wada maray xornimadooda in la kala fadilo oo loo kala eexdo oo loo kala badiyo manfaca, mansabka iyo midhaha dowladnimo.

Waxaa ayaan daro ah in maanta uu hoos udhacey meeqaamkii, mustawihii iyo tisqaadkii hanaankii geedi- usocodka dimuqraadiyadeed. waxaa isna hagaasay maareyntii maamul ,maslaxadii, maamuuskii iyo masiirkii guud ee qaranka Somaliland ku taamaayey mudada dheer. Markii ay Xukuumada cusubi  ku soo ururtey hungo madhan iyo Abaal celin Malaasan. Qarankeena yar ee raad qaadka ah ee ragaadey ee raranka  maanta saarani wuxuu halkan uu maanta taagan yahay ku soo gaadhey hawlgalo badan iyo hayaan dheer, siyaasiyiin utudha iyo ruug cadaa samo talis ah oo isku duuban oo ummadda isku wada  oo walaaleeya oo arin kasta oo cakiranta  ku soo dabaali jirey garnaqsi, talowadaag,isu tanaasul  taas oo intiiba  ay maanta meesha ka baxdey oo ay  bedeshay quluub kala jeeda,qowleysato hantiyey ilihii dhaqaalaha, colaado degaan oo degamsan, isu jabhadeyn iyo cadaawe siyaasadeed oo huwan dabin isu maleeg joogto ah oo  udhaxeeya intii talada wadanka bud dhigi laheyd.

Waxaa dalka ragaadiyey qabyaalad duluca furatay, colaad beelaysan,musuq-maasuq iyo maal urursi xadhkii goostay, mashruuc bursi jeegaamaysan, iskooxeysi shirkadeysan. dhul-boob baahsan oo hadaf waqti-dheer ku qotoma oo shaadh iskaashato iyo mid wershedeed gashan, deyr adag oo qabyaadaleysan oo aan gabasho laheyn. Hawlwadeeno aan la carbin oo aan waxba kusoo kordhin karin horumarinta iyo higsiga qaranka wax ay dalqada dhigaan mooyaane, taas oo ay nusqaan iyo nitaakhaba ku noqotey haykalkii iyo haybadii, qaranimo, wadaninimadii,wadarnimadii, sumcadii iyo quraxdii dawladnimo, higsigii iyo habsami usocodkii iyo himilooyinkii la higsanaayey ee lagu taamaayey mudada dheer.

Shacabka JSL waxaa deeqa oo keliya cadaalad ay si siman ugu wada noolaadaan oo u  wadaagaan midhaha dowladnimo,  una sinaadaan  hantida qaranka si ay udhowrtaan dalkooda iyo deegaankooda. Dhammaan mushtamaca JSL,  waxa  dhiqi kara oo keliya nabad, walaalnimo, waayeelnimo, iyo wadaaga anfaca iyo agabka Qarankooda.

Waxaa wax-garadka siyaasada JSL udhuun daloolaa ay maanta isku wada raaceen in siyaasada guud ee Somaliland ay hada ku jirto marinhabow, madmadow badan iyo Indo sarcaad baahsan oo iska dabowareeg ah oo  aan la saadaalin karin lana garan karin qorsheyaasheeda iyo Jihada ay u socoto  . waxay xukuumadu ku fashilantay in ay noqoto xukuumad ummadda wada deeqda, walaaleysa, dhex u noqota, oo dhayda diiftii iyo dildilaacii ay reebtay doorashadii dhamaatay ee la soo dhaafay.Waxaana xukuumada looga fadhiyaa in ay dalka ka dhigto Somaliland loo siman yahay oo lawada leeyahay si ay shacabku u noqdaan ul iyo diirkeed, hal qoys oo wax walba wadaaga oo ilaashada danahooda iyo dantooda guud.

 

Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

Exit mobile version