|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Cusub Ee DDSI Oo Shaaciyay Kulan Ay Wada Yeesheen Madaxda Jabhada ONLF Iyo Nuxurka 7 Qodob Oo Ay Isku Afgarteen.
August 25, 2018 - Written by Editor:Adis Ababa(W,N) Kulan ay maanta wada qaateen Madaxweynaha Cusub Ee DDSI iyo jabhadda Wadaniga xoraynta Ogadenia ( JWXO) ayey isku afgarteen qodobo ay ka mid ahaayeen :
HALKAN KAGA BOGO NUXURKA 7QODOB OO ISKU ARGARTEEN; 1; In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF; 2; In jabhadu ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga biloowdo deegaanka Soomaalida; 3; In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan; 4; In wadahadlo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan; 5; In laga fogaado wixii kala geeynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo Isnaceyb; 6; In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka; 7; In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:DAAWO; Somaliland Oo Tartan Ciyaaro Caalamiya Kaga Qaybgashay Dalka Jabuuti Iyo Tirada Dalalka Uu Dh... Iska Hor Imaad Ku Dhex Maray Deegaanka Waraabeeye ee Gobolka Togdheer Ciidanka RRU iyo Dadka Deegaa... Siyaasi Cali Guray Oo Soo Bandhigay Magacyada Wasiiradii Xukuumada Ku Cadaadiyay Joojinta Qaadka Iyo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|