WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Jsl Oo Shacabka Iyo Bahda Dhaqanka Somaliland ka Tacsiyeeyay Geerida Chief Caaqil Xuseen Cabdi Ciise (X, Dheere) Oo ku Geeriyooday Burco.

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Chief Caaqil Xuseen Cabdi Ciise (Xuseen Dheere) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 10/08/2018, magaalada Burco.

Madaxweynuhu Waxa  uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqan oo ka baxay shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii loogu jiray dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

Exit mobile version