|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Shacabka Iyo Bahda Dhaqanka Somaliland ka Tacsiyeeyay Geerida Chief Caaqil Xuseen Cabdi Ciise (X, Dheere) Oo ku Geeriyooday Burco.
August 10, 2018 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Xuseen Cabdi Ciise (Xuseen Dheere) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 10/08/2018, magaalada Burco. Madaxweynuhu Waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqan oo ka baxay shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii loogu jiray dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|