|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxa Shirkada DP World oo Sheegay In Aanay Jirin Sabab Ay Soomaaliya Ugala Hadlaan Heshiiska Dekeda Berbera Ee Ay Somaliland La Galeen
August 3, 2018 - Written by Reporter:Berbera (WJN)- Guddoomiyaha shirkadda DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa waxa uu shaaciyey in ay nidaam sharci ah u mareen heshiiska maalgashi ee ay ku ballaadhinayaan dekedda magaalada Berbera. Guddoomiyaha Shirkadda DP World, wuxuu sidaas ku sheegay mar uu waraysi siiyay telefishanka Maraykanka ee CNBC oo waxaanu shaaciyey in aanay jirin sabab heshiiska ay la galeen Somaliland ula doontaan Soomaaliya, maadaama oo ay dekedda Berbera ay ku taalo Somaliland. Dhanka kale Sultan Ahmed Bin Sulayem, wuxuu caddeeyey in Somaliland iyo Soomaaliya ay hore isku raaceen inaan la siyaasadaynin arrimaha dhaqaalaha, Guddoomiyaha Shirkadda DP World wuxuu intaas ku daray inay heshiiska ay kala saxeexdeen Somaliland ahaa mid sharci ah. Dawladda Somaliland iyo shirkadda DP World ayaa heshiis lagu casriyeynayo dekedda Berbera kala saxeexday Bishii May sannadkii 2016kii.
Related posts:Gudoomiyihii Hore Ee Degmada Tog Wajaale Oo Ka Dareen Celiyay Khudbadii Madaxwayne Biixi Iyo fariint... Geeska Afrika Oo Xoggo Ka Helay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya, Garnaqsiga Uu Madaxweyne Bi... Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Xilkii Ka Qaaday Xoghayihii Xisbiga Ee Gobolka Saaxil Iyo Sobobta! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|