Waxa ay Dalbanayaana waa wax ay xaq u leeyahiin oo gar ah oo ah S/land ( ha noqoto mid la wada leeyahay ,)dheefteedana loo siman yahay. Waxana aan aminsanahay In Danteena guud halkaasi ku jirto!!!
Anigoo Haldoor Rashid Sulub Caalin,waxaan M,weyne halkani kuugu soo gudbinaay , Talana kugu soo biirinaayo,maadama qof kasta oo wadani ah xaq u leeyhay in Taladda Dalkeena uu ka qayboqaato si fayowbad ah .Taladdasi oo ah mid aan aminsanahay in wanaag badan dhalindoonto ,haddii Alleh yidhado,waxana weeye sida la wada ogsoon yahay Muddo 2-3 ,bilood horteed ah ay Beel-weynta Garxajis ay Shir balaadhan dalka gudihiisa ku qabsadeen,taasi oo ay kaga arrinsanayeen Danaha Beeshooda. Qurbajoog iyo qoqol joogba,Madaxdhaqameed,Culimo Diin,Aqoon yahay, Mujaahidiin, dhalinyaro,Waayeel Rag iyo Dumarba si weyn aya ugu soo qayb galeen.
Waxaana ka soo baxay Go’aamo waaweyn oo ku wajhan Beeshooda gudaheeda iyo kuwo kale oo Dawladda S/land ku wajhana ,oo gundhigood u ahaa Xaq Darooyin iyo Garbin lagula kacay oo ay ka cabanayeen.,waa sida ay u arkaane.
Illaa maanta sida an rajeynaayo M.weynu arrintaasi wali uma gacan bixin ogaanshahay.Soomaalidu waxa ay tidhaahda CARUUR-CAUUR AN LA CIYAARIN BA JIRTA.Garxajis cidla lama dhigi karo ,kuwa isku dayayana wa wax magarato,marka lagu xisaabtabo Kaalintii Xoreynta dalka ay ka qaateen,Dhulka baaxadiisa ay daggan yahiin,Ganacsidyadooda,Suugaanyahanadooda,kaalinta Hormarinta dalkeena ay ka jiraan,wadaninimadooda,Ilbaxnimooda,Geesinmadda,dul-qaadkooda, Culimaddoda Caan ka ah iyo Hantidoodba. Raggi ka dhashay beeshaashi oo qiimo weyn lahaa oo uu, ka mid ahaa Alleh ha u naxariis wax ka mid Seedigay Maxamuud Cabdi Caraaleh oo an Gurigiisa ku soo koray iyo kuwan kale Yusuuf X.Adan,Illma mooge,Awawgey Hooyo Suldan Xirse(Reer Suguleh Bahadiiriye)Ayaydey Dahabo adan Nuur oo Reer Guleed Ciidagale, Nasir Naxar.X.Adan Baradho.Cabdiraxam Tuur .Maxamuud Ahmed Cali oo ahaa Father of educion oo qof uu wax u dhigo aniga anigu ugu danbeeyay,isgoo da ah Gurigiisa, X.Yusuf Iiman,Dhan-ileeye, X.Af-qalooc, Muuse Ali faroor,X.Basbaas,macaalinkaygii Shaqadda Bankiga an ka bartay Cabdiraxaam Ducaali iyo kuwo kale oonan halkan ku soo koobi Karin dadkeenu waa dad iswadda dhalay,xigto ah oo siyaalo baddan iskugu xidhan, sidaasi an isku soo qaatay masalka halka aan ka soo jeedo anigoo ah waxan ah,Sacad Muuse,Nuux ismaacil.Tani waxaan ugala ugula jeeda in aan marna la kala go’i Karin. Sidoo kale bulshadeena waxaan ku boorinaya in la is-dhexgalo oo la kala Guursada.
UGU DANBEYNTII WAXA SOOMALIDU KU MAHMAHDA TOLO ADDA KU NOOLEE EE IYADU KUMA NOOLA M.WEYNE WAXAN KUGULA DARDAARMAYA INAAD SI DHAKHSO LEH QADIYADDSAI MEESHADA KU HABOON AD DHITID EE SUURTAGAL AH OO ADAN DHAYALSAN,KANA MASHQUULIN,WAAYO WALAAHEEN KAMA MAARMI KARNO,IYAGUNA INAGAMA MAARMI KARAN ILLAAHAY BA ISKEEN BADAY. HADALKA HADDAN SOO KOOBO,SIDOO KALE BEESHA GARXAJISNA WAXAN KU BOORINAYA IN RAGGOODA & DUMARKOODA LIBAAXYADDA AHAA EE GALAANGALKA DAWLADAHA IYO QAYBSIGA DHEEFTA WADDANKEENA YAQAANEYA IYO SIYAASADA ARRAGTI FOG LEH IN AY AY SAFKA HORE SOO MARIAAN,OO AYSAN ISKU LABO-DIBLEYNIN XANUUNKA JEEGAANTA LOOGU MAGACADARAY EE SIYAASI DAN GAARAH LEH SOO SAARAY IYO WAXII KU KEENAYA FAQUUQ!!
F.G. Sida aad igu tagaanan waxa saliim ka ahay Qaabyaalad,Kooxeysi,Nin-jecleysi ,Dhuuniqaate.
Qoraa,Hadoor, Mufakar, Rashid Sulub Caalin E-maal-sulub2007@yahoo.com..HYPERLINK “mailto:E-maal-sulub2007@yahoo.com..tele”tele telsom 4426781.Somtel 065442781.