|
|||||
WAJAALE NEWS
Kulan Ku Saabsan Tayaynta warbaahinta Website-yada oo Lagu Soo Gabagabeeyay Hargeysa
August 19, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Kulan balaadhan oo mudo laba cisho ah u socday Suxufiyiinta ka hawl gala Websit-yada, islamarkaana lagu naaqishayey tayaynta iyo qaabka ay u shaqeeyaan warbaahinta Onlen-ka ayaa waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Hargeysa. Kulankan oo ay si wadajira isaga kaashadeen Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo Ururka Suxufiyiinta ee Solja ayaa waxaa xidhitaankiisa hadalo dar-daaran ah iyo guubaabo ah ka jeediyay Masuuliyiin ka socda Wasaarada arrimaha dibada, xubno ka mid ah ururka Solja. Tobabarkan waxaa muddadaasi labada cisho ah ka qayb-qaadanayay ilaa 40 ka mida suxufiyiinta ka hawl gala Website-yada ee ka hawlagala gudaha magaalada Hargeysa. Ugu danbayntii tabobarihii bixinaya duruustaasi Cabdi Casiis Haaruun ayaa gaba-gabadii kulanka la dar-daarmay suxufiyiinta shirkaasi u dhamaaday in ay ka faa’iidaystaan duruustii ay barteen mudada labada cisho ah ee uu socdo kulankaasi.
Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews.net Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Gud. Xisbiga Wadani C/raxman Ciro Oo Magacaabay Gudi Wada Hadal La Furta Garabkii Isbahaysiga Kulmiy... Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Hogaanka Ciidanka Booliska Iyo Arimaha Ay Ka Wada Had... Maxaad Ka Og Tahay Xaladda Cakiran Ee Dirawaliinta Baabuurta basaska Iyo Dadwaynaha Rakaabka Ah? COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|