This is a typical CASE IN POINT for Somali-land poor governance!!
Dadku waxa laga yaabaa in ay ku dawakheen eedayntaas iyo iska hor-imaadkii ka dhashay; baraha bulshada waxan ku arkay dadka oo kala taageersanaa labada dhinac; waana arrin dabiici ah taasi; laakiin anigu waxan jeclaystay sidii caadada inoo ahayd in aan uga faa’idaysano dhacdadan iftiiminayna sida loo maareeyo (governance) hawlaha sidan oo kale ah ee la xidhiidha musuqmaasuqa, barlamaanka iyo hantidhawrka, innagoo eegayna farqiga u dhexeeya teena iyo ta dunida aynu ka soo waaridanay nidaamkeena dawladnimo intiisa badan.
Runtii, anigoo xog-ogaal u ahaa dalkeena tan iyo intii aynu yeelanay Golayaal barlamaan, maan arag kiis musuq-maasuq oo sidan oo kale loo soo oogo iyadoo Mediaha laga sheegayo si cad magacyada shikhsiyaad xil haya ama hayn jiray; markaa innaga waa xaajo ugub innagu ah; dunida se way jirtaa, laakiin sidan iyo si u dhaw toona uma dhacdo.
Dunida aynu ka soo qaadanay nidaamka barlamaanka iyo guddi hoosaad-yada uu isu qaybiyo goluhu, marka ay doonayaan guddiga musuq-maasuqa iyo dabogalka hantida qaranku in ay galaan hawl caynkan oo kale ah, ma sameeyaan sida guddigani yeeshay, ee waxa la qabtaa wax la yidhaa kulan dhegaysi (public hearing) oo dadka u furan, halkaasoo guddigu su’aalo baadhis ah ku waydiiyaan cidda ay fadeexadu la xidhiidho oo dhan; dadweynuhuna toos bay u daawadaan oo TV-yada waa laga baahiyaa.
Halkaas waxa ku jirta caddaalad, maxaa yeelay waxa is horfadhiya guddigii baadhida soo samaysay oo su’aalo ku garaacaysa iyo ciddii eeddu khusaysay oo is difaacaysa; labada qoloba, runtii way diyaarsan yihiin; guddidu baadhis bay soo samaysay oo mawduuca way ka dheregsan tahay; su’aaluhuna way u diyaarsan yihiin oo si daran-dooriya ayay u waydiinayaan; qolada kale laftoodu, muddo ka hor ayaa qoraal loogu diray waxa lagu eedaynayo, sidaa darteed waxay soo diyaarsadeen jawaabaha su’aalaha la waydiin karo oo dhan oo ay sii qiyaasi karayeen, maadaama ay xogta heleen waxa lagu eedaynayo; sidaa darteed, iyaguna si u kas ah ayay uga jawaabayaan su’aal kasta oo lagu soo gano;
Aan u soo noqo kiiskeena;maalin dhawayd waxaynu aragnay Guddida Dabagalka Hantida Qaranka oo Tv-ga ka sheegaysa baadhis ay sameeyeen iyo musuq-maasuq dhacay; waxay kaloo magac dhabeen rag xil wasiirnimo hayn jiray oo ay ku eedeeyeen in ay musuqaas galeen; raggaas ay eedaynayeen, nasiib darro, may hor fadhiyin, lamanay joogin markaas; waxa qalad ah Qof kii Aad Eedaynaysay oo aan ku hor fadhiyin in aad magaciisa Tv-ga ka sheegto adigoo dhinac kaliya ah; taas macnaheedu waxa weeyaan in aanad uba yeedhin; isla markaasna aanad la wadaagin qoraal, aad ugu sheegayso waxaad ku eedaynayso, si uu u soo diyaar garoobo; illeyn meesha qaflad laysku qaban maayee.
Waxay sheegaysaa taasi dabeecadda ixtiraam darrada iyo qadarin la’aanta ah ee had iyo jeer lay nagu ibtileeyey ee ah in had iyo jeer qofka markaa awoodda is bidayaa in uu illaawo xuquuqda qofka kale leeyahay; halkii uu u arki lahaa in waxani eed uun tahay; oo marka uu la kulmo cidda uu eedaynayo ay buri kartaba oo arrinkiiba noqon karo sidu moodayay mooyee si kale; maxaa yeelay waxay la shir iman karaan ciddan uu eedeeyay arrimo aanu filayn iyo xogo cusub oo aan hore loo hayn ; taas macnaheedu waxa weeye baadhistii way socotaa illaa inta aad la kulmayso fool ka fool ciddii aad eedaynaysay.
Laakin innaga arrinkeenu waxa weeye meeshiina immika anigaa haysta, baadhis aan sameeyayna waxan ku qancay in musuq uu galay hebel, sidaa darteed, maxaan uga baahanahay hebel inaan u yeedho oo waraysto; which implies, I am strong enough and he is too weak now to be listened; so let me go on my one way; and he must accept his fate, period.!!!!!!!.
Saddex xaaloba waa lala eegtay nimanka la eedeeyeey; iyagoo aan maanta xil hayn; iyo iyagoo goobta lagu eedaynayo aan loogu yeedhin; iyo waliba iyadoo laga xog badan yahay; taasi waxay ka dhigaysaa iyaga dhinacii jilicsanaa; halka ay ka dhigayso Guddiga Musuqa dhinacii is bidayay awoodda; maadaama maanta iyagu ay xil hayaan,isla markaana ay gacanta ku hayaan xog ay ururinayeen muddo oo aan dhinaca kale haynin, iyo waliba iyadoo ay gaadeen oo qolada la eedeeyey ay ku warheleen eedda TV-ga ka socota ee lagu magac dhabay, tiiyoo aan goobta loogu yeedhin. Runti, shaki kuma jiro in eedda musuqa ay qiimo weyn oo siyaasadeed iyo sharciba yeelan lahayd haddii Guddigani soo oogto eeddan oo kale waqtigii ay nimanki xilalka wasiirnimo hayeen!!!.
Haddaba waa in la helaa cid u hadasha cidda markaa la yaraysanayo ama lagu xad-gudbayo; xataa haddii aynu ku qanacsanahay in ciddaasi ay gashay musuq, waxay xaq u leeyihiin in aan la tunjilicsanin oo la mariyo arrinku dawga uu leeyahay; waa halka Somalidu ka tidhaa ” Gaal dil, Gartiisana sii”; waaba intaa sirta dawladnimadu iyo gobonimada aynu ku majeeranno dalalka horumaray iyo dadkooda. Wake up; it is matter of cossciouness; macnaha in aan qaladaadkeena ku baraarugno; intaa weeye sirtu; haddaad ila socoto.
Sidaa darteed, Guddoomiyaha wakiiladu waxay ahayd inuu sidaa ku saleeyo markii uu u jawaabayay Xildhibaan Nasir iyo markii uu xilka ka qaadayayba; wuxu noqon lahaa Guddoomiye Baashe markaas nin u hadlaya dhinacii la yaraysanayay, oo soo dabbaalaya dhinacii kale ee awoodda is bidayay; miisaankuna sidaas buu ku soo noqon lahaa; halka uu raaligalinta ka siiyay shirkaddii la soo hadal qaaday; taasoo meel ka dhac ku ah milgaha golaha iyo isagaba.
Markaa waxa inoo soo baxday dhowr qalad oo dhaliyay mashkiladdan cakirantay; waa ta kowaadee may ahayn in TV-ga uu ka soo baxo xildibaan Nasir iyo guddiiisu iyagoo magac dhabaya oo eedaynaya rag xil haya ama hayn jiray oo goobta aan ku sugnayn; ileyn way is difaaci lahaayeene; taas anigu waligay kuma arag adduunka kale, meelna kama akhriyin; maxaa yeelay waa caddaalad darro iyo ku xad gudub xuquuqda qofka aad eedaynayso; waa in uu noqdaa kulan dhegaysi (public hearing) oo furan oo dadkuna labadiina dhinacba garsoore idiin yihiin oo idin dhegaysanayaan ama idin daawanayaan; laakiin dhinac kaliya baa soo baadhay, kaligay baa eedaynaya; waliba TVga ayaan si qaawan uga sii daynayaa magacyada, dhinacii kale oo aan joogin meesha; waxaas waa sheeko caruureed iyo ku tagri fal awoodeed.
Guddoomiye Baashena halkuu immika u muuqday nin shirkad raaligalinaya, haddii uu maanta xilka kaga qaadi lahaa Xildh. Nasir ku tagrifal awoodeed iyo tacaddi uu sameeyay, waxa uu maanta noqon lahaa nin ilaaliyay milgihii iyo sharaftii golaha, caddaladdana u hiiliyay; casharna baray xildhibaanadiisa iyo dadka siyaaasadda iyo is-xukunka (governance-ka) daneeya.
Si kastaba ha ahaatee, in Tv-ga la isu mariyo farriimaha waxa bilaabay Xildhibaan Nasir, guddoomiye Baashena wuu ku qasbanaa inuu isticmaalo TV-ga, oo isagu taas eed kuma laha, laakiin jawaabta uu ka bixiyay halkaas ee ahayd raaligalinta shirkadda ayaa qalad ahayd. Xilka qaadista iyada Guddoomiyaha ayaa awood u leh; laakin waxay sii macaanaan lahayd haddii uu xilka kaga qaado ku tagri fal awoodeed iyo iska dhego-tirid digniintii la siiyay inuu ka joogo dariiqaas.
Waxa xusid mudan, in aan idinla wadaago in barlamaanada adduunku aanay dhiirigalin in arrinkan oo kale la sameeyo, iyadoo fadeexaddu noqoto mid u baahan in la shaaciyo mooyaaane, maka la eego baaxaddeeda iyo dhumucdeeda, ama nooceedu waddanka ku cusub yahay; maxaa yeelay waxa ka dhalanaya eedda sidan oo kale ah dhaawac sumcadeed, is-casilaado, xilka qaadis, shirkado iyo shakhsiyaad badan oo arrinku galo; sidaa darteed waxa la sameeyaa oo kaliya marka lagu qanco in faa’iidada ku jirta shaacinta eeddan musuqu ay aad uga badan tahay khasaarahaas aynu soo sheegnay; usuulu fiqigii bay inala galaysaa, ma aragtaa, sheekhow!!!; oo saw ma ogid in wax kastaa Fiqi yahay; ileyn Fiqigu waa fahan uune.
Immika waxay sheekadu ka sii adkaan lahayd haddii la eedeeyo wasiiro immika kursiga ku fadhiya ama kaba sii darane madaxweynaha markaa talada haya; waxay keeni lahayd Suunaami siyaasadeed; tan immika la eedeeyey wasiiro hore oo aan xil hayn ayaad arkaysaaye, ma kula tahay markaad eegto aqoonteena dawladnimo iyo is-xukunkeena wayda ah in aynu maamuli kari lahayn eedayn loo soo jeediyo xukuumadda kursiga ku fadhida ee middida daabkeeda haysa; Ma Baashe iyo Nasir baa inaga saari kari lahaa duufaanada halkaa ka dhasha?!!!.
Runtii labada noocba siyaasadi kama madhna, ka sakaw musuqa meesha jira, laakiin eedaynta loo jeediyo masuul immika kursiga ku fadhiya ayaa runta uga dhaw ka daba taga masuul xilkii dhammaystay ama laga qaaday; macnaha intay tahay aargoosi siyaasadeed ayaa ka badan intay tahay la dagaalan musuq-maasuq; taa macnaheedu ma aha in aanu musuq samayn masuulka tagay; waxa loo jeedaa haddii aan aargoosigu ahayn Motive-ka dabada ka wada kiiska, waxa laga yaabaaa in la iska dhaaif lahaa.
Ta kale ee la soo eedeeyo masuul xilka hadda haya, iyana intay tahay siyaasad iyo kursi kala riixasho ayaa ka badan intay tahay la dagaalan musuq-maasuq; taas macnaheedu ma aha; aan ku celiyo mar labaade, in aan musuq-maasuq jirin; waxase suurgal ah ama ay u dhawdahay cidda isku shidaysaa hadday heshiis ku ahaan lahaayeen siyaasadda in ay hoosta iska dhigi lahaayeen kiiska; arrimahaa aynu ka soo hadallay way ku dabaqmayaan dhammaan waddamada dunida, wayse kala roon yihiin, oo kuwa horumaray inta kiisku yahay musuq la dagaalan ayaa ka badan intuu yahay aargoosi siyaasadeed iyo kursi kala riixasho ilaa aad soo gaadho dunida saddexaad oo shaki la’aan kiisaska ceynkan oo kala ahi uu 99% noqonayo aargoosi siyaasadeed ama kursi kala riixasho qaawan.
Maadaama nimanka la eedeeyey aanay xil immika hayn, xilka- qaadistii waxay ka dhacday dhinacii golaha, halkaasoo xilkii guddoomiyanimada laga qaaday Xildh Nasir; saw ma aragtid saamaynta ay leedahay eedda bannaanka la soo dhigaa; waliba arrinkii ma dhammaan, maxaa yeelay warankii immika wuxu ku taagan yahay xildh. Nasir oo si sharaf darro ah xilkii looga qaaday; inkastoo aanan saadaalin karin wuxu yeeli doono Xildh. Nasir, waxan hubaa, haddii ariinkaasi ku dhici lahaa xildhibaan dunida horumartay ah, in uu is casili lahaa; runtiina xildhibaan Nasir si dhinaciisu dhulka u qabto, ama waa inuu helaa taagero siyaasadeed oo ballaadhan oo ka biisa hafeefka nabarka ku dhacay, ama waa inuu ,,,,,,,,,,,!!.
Sida saddexaad ee furani waa inuu geer nasaq iska gashado oo uu kaga dhigo duqsiguba dantiisu qudhunka ugu jiraa, ee haw dhaqaajin; marka saw ma aragtid in ay keeni karto silsilad xil-ka-qaadis iyo is-casilaado midiba mid ku xigto; sidoo kale immisa shirkadood ama shaqsi ayaa iyana raadku galayaa oo qaylinaya; sidaa darteed waa in aanay eedda noocani noqon wax si sahal ah la isaga bilaabo illaa laga baarandego, maxaa yeelay waxay keeni kartaa halaag siyaasadeed; gaar ahaan markaad eedaynayso niman xilal wasiirnimo immika haya ama m/weynahooda.
Waa la samayn karaa; laakiin anigu kulama taliyeen waddan Afrikaan ah; maxaa yeelay goolaaftanka ayaanu waddanku ka soo hadhayn; laakiin waddamada gaamuray, xataa haddii duufaano kacaan, way soo kala hadhayaan; laakiin sidaynu soo sheegnay xataa waddamadaas awoodda lihi ma yaalaa sameeyaan; waayo hawsheeda ayaa badan; dee Afrikana hadalkeeda daa; yaa la dagaalami kara nin awooddii oo dhami gacantiisa ku jirto,!!!! Faan weynaa!!!!
Waxa kale oo jirta, marka la eego khibradda dunida kale, inta aan ogahay, in guddiga dabagalka musuqu aanay kaligood go’aamin karin qabashada kulan dhegeysi oo mediaha laga baahinayo illa ogolaansho ay u helaan arrinkaas; laakiin awood bay u leeyihiin in ay baadhistooda sii wataan, qoraal ka dhigaan iyo in ay si hoose oo aan mediaha laga baahinayn u waraystaan cidda la eedaynayo iyo dadka kale ee arrinkaas wax ka ogaa oo dhan;
Kiisaska qaar ayaa socda sannado iyadoon dadweynaha loo soo bandhigin; qaar baa documents-ka laga qoraa buuxiyaa khaanado dhan, iyadoon mediaha maaalinna laga sii deyn; laakiin dadka masuuliinta ah oo kaliyi og yihiin musuqaa dhacay; isla markaana ay ka bartaan casharo laga soo dheegto policies iyo xeerar lagaga hortagayo in arrimhaas oo kale mar danbe dhacaan!!!. laakiin kollayba wadamadu way kala duwan yihiin; waxana waddan kastaa leeyahay astaamo ay isla yaqaannaan oo haddii kiiska musuqa ahi yeesho, ay khasab noqoto in dadweynaha loo bandhigo oo aan la qarin; waa wax samaysma marka waddanku gaamuro; waxa laga yaabaa in aanu ahaynba sharci qoran.
ugu danbayntii, waxan qabaa in kiisaska caynkan oo kale ahi ay noqon karaan kuwa aynu ka barano sida la isu xukumo ( governance), taaso ah in la jeexdo dariiq (policy) loo maro ujeeddo kasta oo dawladda ama barlamaanku rabaan in ay xaqiijiyaan; ma hubo anigu in barlamaankeenu leeyahay siyaasado (policies) iyo hab-raacyo (procedures) la xidhiidha baadhista musuqa; waa se inuu yeeshaa oo ay qoraal noqotaa; maadaama innagu wali aynu caydi nahay xagga is-xukunka; maantana tanii waxay inoo noqon kartaa cashar; sidaa darteed waxan soo jeedin lahaa in la siiyo golaha iyo shirguddoonkiisa tabobaro la xidhiidha ammuurahan aynu ka soo hadallay iyo kuwa la mid ka ah, si aanay u dhicn tan oo kale, loogana fursado in madaxa la isla galo.
Anigu kama hadlin hebel baa musuq sameeyey iyo hebelbaa musuq la dagaalamayay; maxaa yeelay mawduucaygu kaa muu ahayn; ujeedaydu waxay ahayd haddii aynaan iska hagaajin habka aynu isu xukumayno (governance), waxay ila tahay in xaalku noqon doono in timaha aynu isku marano; Ileyn Doqoni Qiiq Kama Kacdee Daamankay Meermeerisaa; goormaynu baranaynaa dawladnimda policy-gu hoggaaminayo; mise illaa qiyaamaha waxaynu isku xukunnaa gole-ka-fuul iyo nin waliba in uu sidu doono inoo xukumo marku awoodda hayo; haddii ay sidaa noqoto muxuu faa’iido leeyahay hannaanka democracy-ga iyo dawladnimada casriga ah (modern state) ee aynu qaadanay!!, maxay se inoo tartay shareecada islaamka iyo Usuulu fiqigeeda ay culumadeena iyo falaasifadeenu inoo dhigtay ee illaa immika adduunku la ashqaraaro!!!!!
QALINKII; Prof Cabdi Cali Jaamac ; u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.