Diyaarad Ay Lahaayeen Milateriga Itoobiya oo Ku Burburtay Duleedka Magaalada Addis Ababa iyo Tirada Dhimashada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Diyaarad Ay Lahaayeen Milateriga Itoobiya oo Ku Burburtay Duleedka Magaalada Addis Ababa iyo Tirada Dhimashada
August 30, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)-  Ugu yaraan 18 qof ayaa dhintay, ka dib markii helikobtar uu milaterigu Itoobiya leeyahay ay ku burburtay duleedka magaalada Addis Ababa.

Maamuleyaasha ayaa sheegay in cidina ayna ka badbaadin shilkaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in dayaaradaas milateriga ay ka soo duushay magaalada Diri-dhabe ee bariga Itoobiya oo ay kusii jeedday magaalada Addis Ababa markii ay ku dhacday Bariga Shoa ee gobolka Oromia, dhamaanba rakaabkii saarnaa ayaa dhintay.

Warar deegaanka laga helayo waxay sheegayaan in 15 askari iyo seddex qof oo rayid ah ay saarnaayeen.

Sababta shilka dhalisay weli lama ogaan, laakin saraakiil sare ayaa sheegaya in baadheyaasha iyo kooxaha baadigoobka iyo samata bixinta loo diray halkaas.

Dhanka kale qareenkii Madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wararku waxa ay sheegayaan in ay codsadeen in dib loogu celiyo xabsi gurigii inta ay dacwadu ku socoto.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

COMMENTS
LINKS