Xaqiiqadii Warkii shalay waan soo helay (fadlan ku dhufo link-ga sare) dadkan waxay ahaayeen dhawr iyo labaatan la qabtay subixii hore; waxa ku jirtay gabadh aan garanayay, waxay ii sheegtay in lagu xidhay liisan la’aan, muddo 30 daqiiqo gudahood ahna lagu saaray maxkamad, lagu xukumay lix bilood oo xadhig ah iyo 6 milyan oo shilling iyada iyo dadkii kale.
Waxay tidhi walaalkay baan is idhi la hadal, mobilkii oo aan dhegta ku hayo ayuu igu dhirbaaxay askarigii, markaasuu dhegtii i qarxiyay, iina qafaalay xaggaa iyo maxkamaddii;
Waar xagaynu joognaa miyaanay meeshu Somaliland ahayn oo dawladda ay dadku soo doorteen, mise anaa riyoonaya; walaalkeed iyo ehelkiisa looma diidi karo qofka marka la soo xidho; xataa waxay xaq u lahaayeen in aanay hadlin illaa inta Qareen ay ka helayaan; anigu kama hadlayo danbiga ay galeen ee waxan ka hadlayaa hannaanka loola dhaqmayo muwaadinka. Dignity; Dignity; Karaamo; karaamo ayuu leeyahay bani’aadmku; baryana ma aha ee sharcigaa siiyay.
Anigoo taas la yaabban ayaa saxaafaddiina qaadacday wararka dawladda iygoo ka ashkatoonaya faaf-reebka lagu sameeyo wararka la siiyo. taasina waa dib u dhac kale oo ku yimid dimuqraadiyaddii iyo xorriyadii saxaafadda oo udub dhexaad u ah hannaanka dawladnimo ee aynu qaadanay.
Faaf-reebku cidda samaysaa innagoo kale ma aha; waa dawladaha dadkooda cabudhiya ee aan si xalaal ah loo soo dooran; halkaa waxa ka taliyay cid aad mustawaheedu u hoosayso; wararka madaxdana waa in ay toos u helaan saxaafaddu iyadoo aan la jarjarin; haddii kale, ma ogtahay adigoo xukuumaddii ah in aad jabisay sharcigii waddanka u yaalay; dee aniguna haddaan beri jabiyo miyaad igu soo oogi kartaa dacwad?; dee sharcigu xukuumaddana wuu qabanayaa, la soco; dee haddii kale ma jirto sarreynta sharcigu (Rule of law); Ilaahow na garansii…..Yaa rabbi!!!!!
Isku soo wada xooriyoo, nin ba qaranka geestiisu ka jiraaye, anigu waxan talo u soo jeedin lahaa dalwaddeenu in ay ka joogto halkaas; waayo labada dhacdoba waxay sheegayaan in ay sii saqiirayso dimuqraadiyaddii, sarreynta sharciga iyo xuquuqdii muwaadinka iyo tii bani’aadamka; taasina waa hoogga iyo jabka qaramida iyo dawladnimada; waar hooy ha laga joogo halkaas ; waa khatar; waa kahtar; Ilaahow khery ka dhig.
QALINKII; Prof Cabdi Cali Jaamac; civil society activist; Noolaada; Noolaada.