|
|||||
WAJAALE NEWS
Anigoo Tan Gacanta ku Haya: Xadhigii Dadkii Liisanka Loo Xidhay, Ayay Tana Igu Soo Dhacday: Faaf-reebka Saxaafadda.Prof Cabdi Cali
August 1, 2018 - Written by Editor:Xaqiiqadii Warkii shalay waan soo helay (fadlan ku dhufo link-ga sare) dadkan waxay ahaayeen dhawr iyo labaatan la qabtay subixii hore; waxa ku jirtay gabadh aan garanayay, waxay ii sheegtay in lagu xidhay liisan la’aan, muddo 30 daqiiqo gudahood ahna lagu saaray maxkamad, lagu xukumay lix bilood oo xadhig ah iyo 6 milyan oo shilling iyada iyo dadkii kale. Waxay tidhi walaalkay baan is idhi la hadal, mobilkii oo aan dhegta ku hayo ayuu igu dhirbaaxay askarigii, markaasuu dhegtii i qarxiyay, iina qafaalay xaggaa iyo maxkamaddii; Waar xagaynu joognaa miyaanay meeshu Somaliland ahayn oo dawladda ay dadku soo doorteen, mise anaa riyoonaya; walaalkeed iyo ehelkiisa looma diidi karo qofka marka la soo xidho; xataa waxay xaq u lahaayeen in aanay hadlin illaa inta Qareen ay ka helayaan; anigu kama hadlayo danbiga ay galeen ee waxan ka hadlayaa hannaanka loola dhaqmayo muwaadinka. Dignity; Dignity; Karaamo; karaamo ayuu leeyahay bani’aadmku; baryana ma aha ee sharcigaa siiyay. Anigoo taas la yaabban ayaa saxaafaddiina qaadacday wararka dawladda iygoo ka ashkatoonaya faaf-reebka lagu sameeyo wararka la siiyo. taasina waa dib u dhac kale oo ku yimid dimuqraadiyaddii iyo xorriyadii saxaafadda oo udub dhexaad u ah hannaanka dawladnimo ee aynu qaadanay. Faaf-reebku cidda samaysaa innagoo kale ma aha; waa dawladaha dadkooda cabudhiya ee aan si xalaal ah loo soo dooran; halkaa waxa ka taliyay cid aad mustawaheedu u hoosayso; wararka madaxdana waa in ay toos u helaan saxaafaddu iyadoo aan la jarjarin; haddii kale, ma ogtahay adigoo xukuumaddii ah in aad jabisay sharcigii waddanka u yaalay; dee aniguna haddaan beri jabiyo miyaad igu soo oogi kartaa dacwad?; dee sharcigu xukuumaddana wuu qabanayaa, la soco; dee haddii kale ma jirto sarreynta sharcigu (Rule of law); Ilaahow na garansii…..Yaa rabbi!!!!! Isku soo wada xooriyoo, nin ba qaranka geestiisu ka jiraaye, anigu waxan talo u soo jeedin lahaa dalwaddeenu in ay ka joogto halkaas; waayo labada dhacdoba waxay sheegayaan in ay sii saqiirayso dimuqraadiyaddii, sarreynta sharciga iyo xuquuqdii muwaadinka iyo tii bani’aadamka; taasina waa hoogga iyo jabka qaramida iyo dawladnimada; waar hooy ha laga joogo halkaas ; waa khatar; waa kahtar; Ilaahow khery ka dhig. QALINKII; Prof Cabdi Cali Jaamac; civil society activist; Noolaada; Noolaada. Related posts:Madaxweyne Siilaanyo Meeyey? Muxuu Guulwadayaashan Xadhkaha Goostay Uga Qaban Waayay Xisbiga Kulmiye “Siilaanyo Xiligii SNM-ta Wuxu Caado U lahaa Musuq Maasuq Siyaasadaysan (Political Corruption)”Yuusu... Waa Kuma Ninka ay Dawladu Yuhuudu ugu Doonista Badan Tahay dunida? Iyadoo sided jeer ku fashilantay ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|