|
|||||
WAJAALE NEWS
Abwaan Sakariye Awaare Oo Maanso Cusub Oo Uu Soo Saaray Ku Dhaliilay Hogaaminta Madaxwayne Muuse Biixi.
August 10, 2018 - Written by Editor:Koron Korro Qabiil Baad Kobcisaa Dhasheedoo Koolkoolisaayoo Ugxanteeda Korisaa, Muusow Ha Nala Kufin, Kadaraa Bad Noqotoo Xilalkiyo Kuraastii Wad Qaraabo Kiishee Muusow Ha Nala Kufin, Hargeysa(W,N) Abwaan Sakariye Saxardiid Axmed (Sakariye Awaare) Oo kamida dhalinyarada hal abuurka ah ee reer Somaliland ayaa maanso cusub oo uu soo saaray ku dhaliilay nidaamka hogaamineed ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Abwaan Sakariye Awaare Ayaa Maansadan ku soo bandhigay habdhaqanka xukuumada madaxwaye muuse biixi iyo sida uu kor ugusii qaaday adeegsiga qabyaalada. Halkan ka Akhri maansada Muusoow Hanala Kufin;iyo Fariinta Ay Xanbaarsan Tahay; Nin kadeedan Abidoo Kulul oo la yaabloo Karkabaysan baad tee Muusow ha nala kufin, Koron korro qabiil baad Kobcisaa dhasheedoo Koolkoolisaayoo Ugxanteeda korisaa Muusow ha nala kufin, Kadaraa bad noqotoo Xilalkiyo kuraastii Wad qaraabo kiishee Muusow ha nala kufin, Kaydk iyo dhaqaalihii Wad u kaadin weydoo Kiradiyo cashuurtii Kuma kaafiyaysoo Kiish baabad sidataa Muusow ha nala kufin, Kelmadahad shubaysee Kol ba meel u leexdee Kasha qiiro geliyana Kaftan baan u haystaa Ficilkiyo kalaamkii Wu is keeni waayee Muusow ha nala kufin, Kacdoonnaa dhacaayoo Dhibku kow ba maahoo Kuma koobna meel oo Gudahoo karkarayaad Korna ka handaraabtee Muusow ha nala kufin, Kun jeer oo horeetaan Karkaarrada ka duulnnoo Kacnay oo istaagnnee Muusow ha nala kufin. ABWAAN SAKARIYE SAXARDIID AWAARE Related posts:DAAWO;Taliyaha Booliska Somaliland oo ka Hadlay Dhallinyaro la XidhXidhay iyo Fariinta Sannadka Cusu... Guddida Arimaha Bulshada Ee Gollaha Wakiilada Somaliland Oo Kulamo La Qaatay Maamulka Gobolka Iyo De... Masuul Katirsan Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Go,aamada Xisbigoodu Qaatay Aanay Cidina Ka Wada Tasha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|