Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa NIN AAN DHUL MARINI DHAAYO LA’. Waxan muddo dheer aamminsanaa in waddamada horumaray markay leeyihiin saxaafadda madax-bannaan, ay u jeedaan in ay war-baahintoodu ka madax bannaan tahay dabar kasta oo xannibi kara in dadkoodu ogaadaan xaaladaha runta ah ee ka jira dalkooda ama arrin kasta oo xukuumadahoodu ku foogan yihiin, waxase runtu tahay in madax-bannanida saxaafaddu dal kastaba ay xadaysan tahay, oo aan marnaba la sii dayn karin wax ka baxsan kolba wixii xukuumaddooda markaa jirtaa raalli ka tahay ama siyaasadoodu ku qotonto.
Haddaba waxa yaab iyo amankaag nagu ah, in maalin walba saaafadda dalkeenna ee sheegta madax-bannaanidu ay hadh iyo habeen ku foogan yihiin qaawinta iyo ceebaynta dalkooda iyo dadkooda iyagoo aad mooddo in aanay u tudhayn qarankooda.
Home Cable TV ayaa asbuuc ka hor wuxuu caalamka oo dhan ku nashiray, barnaamij ay u bixiyeen “BAADIGOOB” kaasoo aniga qof-ahaan iyo dad badan oo xilkas reer Somaliland ahba aad uga cadhaysiiyay, ahaana barnaamij ceebayn iyo xaqiraad ku ah guud ahaanba Qaranka Somaliland, nabadda iyo midnimada ummaddana dab ka dhex hurinayay, iyadoo welibana lagu soo beegay baahinta Barnamijkaas waqti dalku ku jiro xaalad colaadeed, oo dalka cadow dibedda kaga soo duulay.
Waxa is-weyddiin mudan, sababta saxaafaddeenna madaxa-bannaani u caadaysatay, inay mar walba iyagu makarafoon ama war-laliye daacad ah u noqdaan propagaandada cadawga, sida cayda dalka, dadka iyo madaxda Qaranka SLand. Waxay mar walba bulshadeenna u soo waaridaan kuna dhex faafiyaan faanka, dhalleecaynta iyo hanjabadaha cadawga, isla markaa waxay baraan oo hadyad cadawga u siiyaan – iyagoo weliba aad u buunbuuninaya ama naaxnaaxinaya – wixii gol-daloollo ah ee kolba ay ka ogaadaan Qaranka SLand.
Tusaale, waxa jirtey gabadh madax sare ka ahayd Hay’ad Caalamiya oo ka hir-gasha magaalada Muqdisho, oo iyadoo ka dukaansanaysa suuqa, una agab urursanaysa farxaddii arooskeeda/aqal-galkeeda, si badheedh ah loogu toogtay magaalada Muqdisho dhexdeeda. Haddaba Saaafaddeenna madaxa-bannaan ee S.Land iyo kuwa Somaliyaba, intee in le’eg ayay ka hadleen dhacdadaas foosha-xun?. Dhinaca kale, gabadh Abwaanad ah oo reer SLand ah, oo muddo kooban xorriyaddeeda laga xannibay, iyadoo mar walba ku sugnayd dadkeeda iyo dalkeeda dhexdiisa, ehel iyo qaraabana mar walba ku meersanaayeen – intee in le’eg iyo side ayay uga war bixiyeen saxaafaddeenna madaxa-bannaan iyo kuwa Somalia?. Jawaabta Akhristahaan u daayay.
Waxa la mid ah Askari ka tirsan Puntland oo gabadh ka toogtay qaarka hoose kadib markay diidday guurkiisa iyo war-baahinta dhacdadaasi qayb u heshay.
Haddaba buunbuuninta probagaandada cadawga iyo faanka maalin walba lagu soo tebinayo wararka madaxdiisa, iyo bah-dilaadda iyo qaawinta Qaranka Somaliland ee weriyeyaal aan xirfad badan lahayn – oo u haysta in suaalo qalloocan oo madaxda qaranka lagu duraa tahay wax lagu soo caan baxo, ayaanu soo jeedinaynnaa in tallabooyin sharciya xukuumaddu ka qaaddo, maadaama aanay mas’uuliyiinta saxaafadda madaxa-bannaani miisaami Karin – in qaran xaalad dagaal ku jira, loo soo bandhigo barnaamijkii Dab-shidka ahaa ee “Baadigoob” oo kale iyo kuwo la mid ah
Sidoo kale waxa tallaabo sharciya, daba-gal iyo xakamayn rasmiya u baahan, dad Somaliland ka soo jeeda, oo caadaystay inay Qaranka Somaliland guud ahaanba ceebeeyaan, ama khalkhal geliyaan nabad ku wada noolaanshaha iyo midnimada bulshada S/Land, una adeega cadawga qaranka iyagoo adeegsanaya Baraha Bulshada (Social Media), sida FaceBook, iwm. Waa hubaal in waddamada ay dadkaasi Qaxootinimada ku tageen aan laga oggolayn inay amni darro ka abuuraan dalkay joogaan iyo mid kale toona, isla markaana waa in Nabad-Sugidda Qaranku ururiso falalka foosha-xun ee dadkaasi ku kacaan,oo makamad lagu soo taago – dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba markay suuro-gal noqoto.
Rasheed A Meigag Samater
(Hoggaamiyaha Jaaliyadda Somalida W. London)