Aduunyada waxa ugu qiimo badan qofka bini aadamka ah, waxa waajib inaga saaran yahay in aynu ilaalino xuquuqaha qofka bini aadamka ahi leeyahay oo dhan, wax baristiisa, noloshiisa nabadgalyadiisa, dhaqankiisa iyo hadaynu islam nahay diintiisa oo intaas oo dhan iyo in ka badanba u damaanad qaadey.
Maanta aduunyada qofka bini aadamka ahi waa bilaa qiimo dawladihii ugu waaweyn ee sheega in ay ilaaliyaan ama u doodaan ama dhaqaale ku bixiyaan xuquuqda Aadamaha ayaa maalin walba kumayaal aan waxba galabsan duqeyn ku laaya iyaga oo bartilmaameedsanaya shaqsiyaad kooban.
Waxa la burburiyey oo la baabiiyey dalal badan oo muslim ah, waxyaabaha loo baabiiyey waxa ka mid ah dano dhaqaale iyo in dadkooga loo soo maray iyaga oo la leeyahay xoriyaad iyo maamul kan dhaama ayaanu idiin dhiseynaa, waxa ka dhashay dhibaatooyinkii laga cabanayey mid milyan goor ka badan.
Bal qiyaas inta dal ee la baabiiyey 20kii sano ee u dambeeyey inta bini aadam aan waxba galabsan lagu laayey, inta laga baro kiciyey dhulkoodii ee dalal shisheeye silica iyo darxumada ugu nool, inta hanti mood iyo noolba leh ee laga baabiiyey dalkasta oo lagu duuley, yaa ka masuula dhibaatooyinka dhacay? wali cidi wax ma iska weydiisey? Shuruucda aduunyada taalaa ma qaar u adeega wadamada dunida koowaad isku sheegay baa oo aan iyaga qaban?
Aduunyada aynu ku noolahay marka aad sidaa u eegto waxa aad is odhanaysaa caqligu ma shaqeeyo, cid caqligeedu shaqaynayana lama rabo, sababtu waxa ay tahay waxa maanta la isugu faanayo ama la isugu hanjabayo ama la isugu awood sheeganayaa waa waxyaabaha nafaha bini aadamka gooya oo ah hub.
Marka ay halkaa marayso aduunyada maxaa laga filan karaa? Aqoonta aduunyada guudkeeda taala miyey dhaafi weyday isu awood sheegasho iyo xoog? Caqliyada wax lagu diidaa ama cid lagaga hortagaa miyey dhaafi weyday isqarxin iyo galaafasho bini aadam aan waxba galabsan?
Su’aalahaa iyo qaar kale oo badan marka aad isweydiiso waxa kuu soo baxaysa in aqoontii iyo cilmiyadii aduunyada guudkeeda yaalay aanay waxba soo kordhin, diimaha aduunyada lagu caabudana ay waxba ka badeli kari waayeen dadkoodii, Diinta kaliya ee dadka nabad galyo iyo nolol iyo wada noolaansho damaanad qaadeysa ee ku dhisanina ay tahay diinta islaamka.
Waana sababta ugu weyn ayaan is odhan karaa in diinta islaamka weerarka loogu yahay ee la sameeyey dad islaam sheeganaya oo in ay ceebayn iyo baro madow u sameeyaan diinta loo sameeyey amaba diinta qalad ka fahmay, walow aaney waxba yeeli karayn diinta oo ilaahay ilaashanayo, waxa ay laakiin sabool ka noqdeen kuwaasi in ay diintu tahay dhaqan wanaagsan iyo nolol aadamuhu cidhiidhiga kaga baxo.
Dagaalada aduunyada ka socdaa way wajiyo badan yihiin dad badan baa ku dawakha sida ay u wax u socdaan, hase yeeshee dagaalka aduunka ka socdaa aniga aragtideyda waa dagaalo dano dhaqaale iyo dano awoodeed ku qotoma dhamaantood, waxyaabaha aynu u moodeyno in dunida islaamka lagu soo duuley waxa aan odhan karaa in ay tahay wadamada islaamka oo kheyraad ahaan dihin iyo madaxda ama hogaanka dawladaha islaamka oo aan dadkoodii dhisin diin ahaan iyo aqoon maadi ah oo kaleba ee ku mashquulsanaa uun in ay kirsigooda ilaashadaan.
Muhiimaduna waxa ay tahay in dadka la dhisaa waa arinka ugu culus uguna muhiimsan ee ay xadaaradi ku jiri karto laguna horumari karo, halka guud ahaan islaamku ka liigayaana waa halkaa iyo dawlado badan oo dunida sadexaad kuwa ay u bixiyeen ahi, sababtuna waa dad dhisan ayaa dal dhisa, dalal dhisanina waxa ka dhalata aduunyo nabdoon oo xasiloon oo wanaag iyo horumar lagu wada noolaan karo waxna la istari karo.
Nuxurka qoraalkaygu waxa uu yahay dadyowga islaamka ah ee dunida ku nooli waa in ay diinta u arkaan maslaxad iyo badbaado if iyo aakhiro ahba in ay u tahay oo ay fahmaan waxa diinteenu wanaag xambaarsan tahay, hadii kale sidaa Saudi Arabia ku soo socota ayaa dhici doonta, waxaana aan ka fahmay uun marka aad aragto sida ay ugu faraxsan yihiin in badani in culeyska dawladu dadka diinta ku hayey, kaasina fikir shaqeynaya maaha.