|
|||||
WAJAALE NEWS
Qarax ka dhacay xarun warshado oo ku taal Shiinaha
July 13, 2018 - Written by Wariye:
Masuuliyiinta deegaanka Jiang’an ee uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay warshad kiimiko oo ay gacanta ku hayso Yibin Hengda Technology, sida ay tabisay wakaaladda wararka ee Reuters. Sawirro la soo dhigay baraha ay bulshadu ku xiriirto ee dalka Shiinaha ayaa muujiyay dab wayn iyo uuro cirka isku shareertay oo ka kacay dhismaha warshada. Ma cadda waxa sababay qaraxa. Arrintan ayaase timid iyadoo ay dalka Shiinaha horay uga dhaceen masiibooyin ka dhashay shirkado kiimikooyinka sameeya.
Sannadkii 2015kii, 173 ruux ayaa ku dhintay qarax ka dhacay xarun warshadeed oo ku taalla magaalo xeebeedka Tianjin ee dhacda waqooyiga bari ee Shiinaha.
Hargaysa Office Wajaalenews.net Wariye Abdiqadir Habbane Related posts:DAAWO;Marwada Madaxweynaha JSL,Oo Maanta furtay kulan Lagaga Hadlayo Hoos u Dhigidda Umul-raaca Hooy... Ciidamada Ammaanka Somaliland ayaa Maanta Heega la galiyay iyada oo Jaamacada Hargeysana Maamulkeeda... Daawo:Agaasimihii Hore Hay'ada Komishanka Aidska Somaliland Oo Si Rasmi Ah Xilkii Ugu Wareejiyay Ag... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|