Qaar Ka Mid Ah Dadweynaha Gobolka Awdal oo Eedaymo Culus U Soo Jeediyay Xidhibaanada Golaha Deegaanka Boorama
July 16, 2018 - Written by Reporter:
Borama (WJN)- Qaar ka mid ah Dadweynaha kala duwan ee ku dhaqan xaafada Sheekh Cali Jawhar ee Magaalada Boorama ayaa waxa ay eedaymo kala duwan u soo jeediyeen qaar ka mid ah Xidhibaanada golaha deegaanka degmada Boorama iyagoo ku eedeeyay inay xidhayaan mid ka mid ah wadada hawl bawlaha ah ee dhex marta xaafadaasi.